4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 29, 2018
Madaxweyne Waare : Magaalada Beledweyne 80% dadkii degenaa weyn barakaceen

 

Axad, April, 29, 2018 (HOL) – Madaxweynaha maamulka Hirshabeele Maxamed Cabdi Waare ayaa sheegay in saameynta iyo khasaaraha ka dhashay Fatahaada magaalada Beledweyne yihiin kuwo sii kordhaya.

Madaxweyne Waare oo la hadlayay Laanta afka Soomaaliga ee BBC -da ayaa sheegay in 80% la oran karo waa ay barakaceen dadkii ku dhaqnaa magaalada oo maciin badan dhulka Bari ee taaga ah sida Ceel Jaale iyo Jente-Kuundisho.

"Magaaladda haatan waa laga soo baxay,fataahadii waliba xalay iyo habeen hore aad bay u soo xoog yeelatay roobabkiina way da'yaan, magaalada 80% waa laga soo baxay, dhinaca barina ilaa meesha la yiraahdo Jente Kuundisho ilaa Ceel Jaalle, halkaasaa dadku wada joogaan, dhinaca kale galbeedka magaalada hadba meeshii ay joogto ilaa xaafaddaha meelaha roon roon ayaa lagu baxay, magaalada Baladweyne 100% waa laga baxay" ayuu yiri Waare.

Wuxuu sheegay in wali biyaha Wabigu yihiin kuwo sareeya oo aan sameynin wax nusqaan ah, sidoo kalana wali da’ayaan roobab lixaad leh.

Xaafadaha magaalada Baladweyne meelaha qaar biyuhu waxay qofka u joogaan kala bar qofka joogiisa.

Ra'iisal wasaare Xassan Cali Kheyre ayaa ugu baaqay hay'addaha gurmadka in ay gurmad la gaaraan dadka ay saameyeen daadadka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]