4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 28, 2018
Madaxweyne Farmaajo oo barri u safraya Burundi xili Nus Malyan ruux oo Soomaali ah saameeyeen Fatahaado daran

 

Sabti,, April, 28, 2018 (HOL) – Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu horkacayo ayaa la filayaa in maalinta barri ah u socdaalaan dalka Burundi iyaga oo ka qeybgali doona daawashada Finalka CECAFA U-17 oo ay isaga hor iman doonaan xulka kubadda Cagta Soomaaliya iyo Tansaaniya.

Ilo Wareedyo ku sugan madaxtooyada ayaa HOL u sheegay in madaxweynuhu ka qeybgali doono daawashada cayaarta marka xulka Qaranka Soomaaliya ay wajahayaan kooxda Kubadda cagta dalka Tansaaniya

Inkastoo guud ahaa marka la eego dalka oo dhan siweyn loo soo dhaweeyay guulihii is daba joog ahaa oo ay gaaareen xulka Kubadda Cagta ee Soomaaliya, lana rajeynayo in ay la soo guryo noqdaan Koobka, haddana dad badan oo ay ka mid yihiin xildhibaanno iyo Wasiirkii hore ee Waxbarashada Cabdinuur Sh. Maxamed waxaa ay walaac xoogan ka muujiyaan waqtiga safarkan uu ku soo beegmay.

Sida laga soo xigtay hay'adaha gargaarka ku dhawaad ​​420,000 oo qof ayaa saameeyeen fatahaadaha ka dhashay Wabiga shabeelle , waxaana magaalada Beledweyne oo kaliya ka barakacay dadka ka badan 100,000 oo qof oo qiyaastii gaaraya 26 Kun oo Qoys.

Fatima Axmed oo ka ka mid ah dadka ku dhaqan magaalada Beledweyne ayaa sheegtay in madaxweynaha mas’uuliyad ka saaran tahay wadanka oo idil.

‘’Waa madaxweyne-heenii, qeybaha kale ee dalka waxaa uu tusay hogaamintiisa iyo sida uu madaxweynaha ugu yahay, laakiin waxey u muuqataa in Annaga uusan wax muhiimad ah na siinin’’ ayeey tiri Fatima oo ka mid ah dadka deegaanka.

Madaxweyne Farmaajo ayaan booqan magaalada Beledweyne tan iyo markii loo doortay madaxweynaha dalka Soomaaliya.

Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya ayaa maanta magaalada Muqdisho uga dhawaaqay guddi ka kooban 22 xubnood oo isku duwi doona gargaarka degdega ah ee la gaarsiinayo dadka ay fatahaadu saameysay, gaar ahaan magaalada Beledweyne.

 

Jimcihii, madaxweynaha gobolka Hirshabelle Mohamed Cabdi Ware ayaa qiray in dhibaatada ka taagan magaalada Beledweyne tahay mid ka baxsan awooda maamulka isaga oo baaq u diray dowladda Soomaaliya, hay’addaha samafalka iyo qurbo joogta si loo caawiyo dadka tabaaleysan.

"Waxaan ka codsanaynaa, Dowladda Soomaliya, Beesha Caalamiyaanka ah, NGO-yada in ay naga caawiyaan sidii wax looga qaban lahaa dhibaatooyinka bani'aadamnimada ee sii kordhay iyo in laga hortago in ay sii xumaadaan’’ ayuu yiri madaxweyne Waare.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]