4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 28, 2018
Xisbiga WADANI oo xukuumadda ku eedeeyey inay ku fashilmeen xal u helidda Sicir bararka

 

Sabti,, April, 28, 2018 (HOL) – Gudoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI Md;C,/raxmaan Maxamed C/laahi Cirro ayaa xukuumadda ku eedeeyey inay ku fashilmeen inay wax ka qabtaan sicir bararka aafeeyey noloshii shacabka.

Gudoomiye Cirro ayaa sheegay in Khamiistii toddobaadkan uu booqday suuqyadda iyo meherado ku yaalla magaaladda Hargeysa, waxanu sheegay inuu la sheekaystay ganacsatada yaryar oo uu xusay inay ka cabanayaaan sicir bararka oo sababtay inuu suuqoodii dakhligiisu yaraaday.

“Waxaa ka jira sicir barar iyo shaqo la’aan baahsan oo aafaysay dhalinyartii, hooyoyinkii ma haystaa daryeel caafimaad, iyadoo sidaas tahay ayey hadana shacabkii ku sii kordhayaan sicir barar adag oo saamaysay noloshii shacabka danyarta ah.”ayuu yiri Gudoomiye Cirro oo sixir bararka ka hadlayey.

Waxaa kale oo uu xukuumadihii kala dambeeyey ee KULMIYE ku eedeeyey inay waxba ka qaban kari waayeen qiimo dhaca ku yimid lacagtii Shiling Somaliland, waxaanu yidhi “Intii kulmiye iskaga dambeeyey waxa qiimaha shilling Somaliland hoos udhacay in ku dhow boqolkiiba konton, xukuumaddu way la anbatay xal u helidii sicir bararka, mudadii uu xilka hayey madaxweyne Muuse Biixi sicir bararku wuu sii kordhay, madaxweynuhu guddi buu u saaray xal u helida sicir bararka laakiin meel khaldan bay ka doontay xal u helida sicir bararka, waxaaana cadaatay in gudidaasi ku fashilmay xal u helida sicir bararka, madaxweyne Muuse Biixi wuxuu madaxweyne u yahay shacabka Somaliland oodhan, waxay ku jiraan shacabkiisu duruufo adag, su;aashu waxay tahay madaweynuhu ma dareemayaa shacabkaasi ku jira duruufta qalafsan , hadii uu ka war qabo ma dareemaya siday u suurogashay inuu korodhsado miisaaniyada mdaxtooyada sanadkan boqolkiiba sagaal, miisaanada lagu kordhiyey madaxtooyadda waxay ahayd in wax lagaga qabto sicir bararka.”

Xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI ayaa mudooyinkan dambe boodhka ka tumay oo noqday mucaarad adag, islamarkaana dhaliilo badan usoo jeediyey xukuumadda.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.