4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 28, 2018
Kheyre : Waxaa leysku raacay in deg deg loo gaaro dadka ay Fatahaadu saameysay ee magaalada Beledweyne

 

Sabti,, April, 28, 2018 (HOL) – Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xassan Cali Kheyre oo goor dhaw shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in kulan deg deg ah oo ay yeesheen leysku afgartay in sida ugu dhaqsiyaha badan loogu gurmado dadka ay fatahaadu ku dhufatay, gaar ahaan magaalada Beledweyne.

‘’Madaxdii iyo qeybihii kala duwanaa ee shirkaa ka qeybgalay waxaa isku raacnay in dadkaa si deg deg ah loogu gurman lahaa, dowladda Soomaaliya-na waxaa ay awoodeeda oo dhan isugu geyn doontaa sidii deg deg loogu gargaar loogu fidin lahaa dadkaa dhibaateysan’’ ayuu yiri ra’iisal wasaare Kheyre.

Ra’iisal wasaaraha ayaa sheegay in leysku raacay magacaabista guddi ka kooba 22 xubnood oo uu guddoomiye ka yahay ra’iisal wasaare ku-xigeenka sidoo kale waxaa ka mid ah guddigan lagu dhawaaqay Wasiirrada arrimaha gudaha, Amniga, Caafimaadka, Maareynta Masiibooyinka, Beeraha, Biyaha, xildhibaanno, iyo culima’udiin Soomaaliyeed.

 

Dhinaca kale ra’iisal wasaaraha ayaa sheegay kulan kale uu la qaatay hay’addaha samafalka iyo safaaradaha dalalka shisheeye oo uu kala hadlay xaalada deg deg ah ee soo food saaratay dadka ay daadadku ku soo rogmadeen.

‘’Kulamadii aan la qaatay hay’addaha samafalka iyo safaaradaha shisheeye waxaan isku afgaranay dadkaasi dhibaateysan dhaqse loo gaaro’’ ayuu yiri ra’iisal wasaare Kheyre.

Kulamadan ayaa qeyb ka noqonaya dadaallada loogu jiro sidii wax looga qaban lahaa xaalada adag ee soo food saartay dadka ay Fatahaaduhu saameeyeen.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]