4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 28, 2018
Dowladda Canada oo $ 18 Milyan dollar ugu deeqday Soomaaliya

 

Sabti,, April, 28, 2018 (HOL)-Dowlada Canada ayaa shaacisay in ay Soomaaliya ugu deeqday lacag dhan 18 milyan oo Dollar waxaana ku dhawaaqay warkaasi wasiirka socdaalka jansiyadaha iyo arrimaha Qaxootiga Canada Axmed Xuseen oo matalayay wasaarada Arrimaha Dibada ee dowlada Canada,

"Barnaamijkan waa barnaamij aad u muhiim u ahaa waa barnaamij ku saabsan dowlada Canada oo ugu deeqday dadka Soomaaliyeed oo dhibaateysan 18 milyan oo dollar oo loogu talo galay 5 milyan oo dad soomaaliyeed oo soomaliya ku dhax nool oo u baahan cunto u baahan daawooyin u baahan biyo iyo ciyaalka in laga caawiyo xaga wax barashada lacagtaan waa lacag aad u muhiim u ah waxaana saa'id ku sii ah 1 milyan oo Soomaali qaxooti ah oo wadanka banaankiisa ku nool, Kenya iyo Ethiopia ku nool iyagana macaawino ayaa u socota sanadkii la soo dhaafayna dowlada Canada 29 milyan ayeey ku gargaartay dadka Soomaaliyeed si ay ula dagaalanto abaartii ku dhufatay Soomaaliya meelo badan oo ka mid ah" ayuu yiri Axmed Xuseen.

Wasiir Axmed ayaa sidoo kale tilmaamay in ay muhiin tahay in aan la sugin inta ay masiibooyinka ku dhufanayaan dadka iyo dalka soomaaliyeed lacagtana ay sida ugu dhaqsiyaha badan u gaari doonto gacanta soomaalida si buu yiri wax looga qabto dhibaatooyinka jira.

"Abaarta markii ay dhacdo ka bacdi oo dad badan ay dhintaan in loo gurmado soomaaliya ma ahan hada waxaa jiro dad badan oo gaajeysan oo dhibaateysan daawo la'aan iyo biyo la'aan hayso dadkaasi waxaa ay u baahanyihiin in la caawiyo macnaha ma ahan in aan sugno abaar cusub in ay dhacdo 5 milyan oo qof ayaa maanta waxaa ay u baahantay in laga caawiyo xaga caafimaadka xaga cuntada iyo xaga biyaha si deg deg ah bay u gaareysaa saa maxaayeelay waxaa loogu talo galay dadka hada dhibaataysan in la gargaaro lacagtaasina waa lacag horay loo qoondeeyay oo loogu talo galay lacagaha ay dowlada sanadkan ku dhawaaqday marka ma ahan lacag hada la raadinayo ee waa lacag diyaar ah".

Si kastaba lacagtan ayeey dowlada Canada sheegay in ay marsiin doonto hay'adaha Qaramada Midoobay si loo gaarsiiyo dadka loogu talo galay waxaana taasi ugu wacan baa la yiri Soomaaliya xariir toos ah lama lahan dowlada Canada Safaarad-na kuma laha taasi ayaana sababtay in hay'adaha QM loo marsiiyo.

Dhinaca kale Xildhibaan Borys oo laga soo doorto Xaafada Soomalida ay ku badan-tahay ee Etobicoke oo howsahan in mudo ah kala shaqeynayay Axmed Xuseen ayaa sheegay in wasiirka arrimaha dibada ee dalka Canada la'aanteed ay adkaan lahayn helida deeqdan,

"Waxaan helay fursad aan kula kulmo oo aan kula hadlo Chrystia mudo kaddib tan iyo markii ay noqotay wasiirka arrimaha dibada sanad iyo bar ka hor waxaan u bandhigay arrinta Soomaaliya way i dhageysatay waxayna i siisay in aan arrinkan horay u sii wado hadii aanan haysan wasiir arrimo dibadeed oo leh dareenkaas iyo aaminaadaas ee ay ku qabto dadka aniga oo kala ah arrinkan aad ayuu markaasi u adkaan lahaa".

Dad badan oo ka qeyb-galay Barnaamijka deeqdan lacagtan ayaa aad u soo dhaweeyay waxayna tilmaameen in hadii si wanaagsan loo maareeyo dad badan oo u baahan gargaar wax loogu qaban karo.

XIGASHO: VOA