4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 28, 2018
Waare : Xaalada Bani’aadannimo ee magaalada Beledweyne waa mid awoodeena ka baxsan

 

Sabti,, April, 28, 2018 (HOL) - Madaxweynaha Maamulka Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare oo warbaahinta ayaa sheegay in marka la eego xadiga xaalada bani’aadannimo ee magaalada Beledweyne tahay mid ka baxsan awooda maamulka una baahan gurmad xeer caalami ah.

Ciidamada AMISOM ee ka kala socda Jabuuti iyo Itoobiya, iyo Ciidamada Dowladda oo isugu jiro Booliis iyo militari ayuu sheegay in aanan u kala harin gurmadka dadka looga saarayo xaafadooda.

Waxaa in dadka ka baxaya magaalada aysan uga sii horeyn halka ay u barakacayaan Hoy, Cunno iyo Biyo ay noloshooda ku sii maareeyaan.

Dowladda iyo hay’adaha gar-gaarka ayuu ugu baaqay in aysan ka indha ka laaban xaalada, hadii kalana ay dhici karto xaalada ka sii darto halka ay hadda mareyso.

Dhinaca kale xaafadaha Kooshin, Xaawo taako, Buundo weyn iyo Howl wadaag ayaan xala helin wax koronto, kaddib markii qof uu ku dhintay danab ka dhashay korontoda, madaama ay dhulka soo dhaceen qaar ka mid ah baalayaashii ay sii marayeen xergaha korontada.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]