4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Apr 27, 2018
Ra’iisal wasaare ku-xigeenka Soomaaliya oo la kulmay safiirka Sweden

 

Jimco, April, 27, 2018 (HOL) - Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed Khadar ayaa kulan gaar ah la yeeshay Danjiraha dalka Sweden u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Andreas von Uexkull.

Kulanka oo ahaa mid qaatay saacad iyo wax ka badan ayaa labada masuul waxa ay uga wada hadleen Shirka Arrimaha horumarinta Soomaaliya ee ka dhacaya Brussels, Xiriirka labada dal, Arrimaha amniga ee Qaranka iyo xoojinta cilaaqaadka Sweden iyo Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ayaa yiri “Waxaan kulan muhiim ah la qaatay Danjiraha dalka Sweden u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Andreas von Uexkull, Waxaanuna ka wada hadalnay Shirka Arrimaha horumarinta Soomaaliya ee ka dhacaya Brussels, Xiriirka labada dal, Arrimaha amniga ee Qaranka iyo xoojinta cilaaqaadka Sweden iyo Soomaaliya.

Ra’iisal Wasaare kuxigeenka Soomaaliya ayaa dhankiisa wuxuu balan qaaday in Soomaaliya ay Sweden si dhow ugala shaqaynayso xiriirada iskaashi ee arrimaha Bulshada iyo kuwa iyo Horumarinta.

Kulankan ayaa waxaa uu ku soo dhamaaday si wanaagsan wuxuuna qayb ka ahaa dadaalada dowladda federaalka Soomaaliya ay ku dooneyso dawlad wanaagga iyo horumarinta dalka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]