4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 26, 2018
Musharixiinta guddoonka Baarlamaanka oo soo gabagabeeyay khudbadahoodii

 

Khamiis, April, 26, 2018 (HOL )- Waxaa maanta oo Khamiis ah la soo gaba gabeeyay dhageysiga khudbadaha Musharixiinta u taagan qabashada xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Shalay ayaa waxaa khudbado jeediyay ilaa Lix musharax oo ka mid ah xubnaha u taagan xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka, wuxuuna ka hadlay mid walba waxaa uu qabanayo hadii uu ku guuleysto xilka.

Sidoo kale maanta ilaa Shan musharax oo ahaa kuwa harsan ayaa jeediyay khudbadahooda, waxaana ugu dambeyn la soo gaba gabeeyay khudbadaha musharaxiinta.

Xubnaha maanta Baarlamaanka khudbadaha ka horjeediyay ayaa waxa ay kala yihiin Xildhibaan Shariif Sheekhunaa Maye, Xildhibaan Maxamed Sh. C/raxmaan Mursal, Xildhibaan Shariif Maxamed Cabdalla, Xildhibaan Maxamud Macalin Yaxye iyo Xildhibaan Iimaan C/laahi Nuur

Maalinta Isniinta ah oo Taarikhda ay ku beegan tahay 30-ka bishan ayaa lagu wadaa in ay dhacdo doorashada guddoomiyaha Golaha Shacabka, waxaana magaalada Muqdisho laga dareemayaa diyaar garoowga ku aadan doorashada.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]