4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 26, 2018
Cabdiwali Gaas : Awooda dalka Soomaaliya ma’aha mid ku Uruursan Muqdisho oo kaliya

 

Khamiis, April, 26, 2018 (HOL )- Madaxweynaha dowlad gobolleedka Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo warbaahinta caalamka kula hadlayay magaalada Dubai ayaa sheegay in Puntland u madax-bannaan tahay in ay gasho heshiisyo caalami ah sida uu dhigayo ayuu yiri dastuurka dowlad gobolleedka.

Madaxweyne Gaas ayaa meesha ka saaray in dowladda Dhexe matali karto guud ahaanba dalka Soomaaliya isaga oo yiri ‘’ Awooda dalka Soomaaliya oo dhan ma’aha mid ku Uruursan Muqdisho, ‘Soomaaliya ma’aha Muqdisho ‘ Muqdisha-na ma’aha Soomaaliya.

Abdiweli Gaas wuxuu sheegay in Puntland Somalia dhul ahaan ka tahay 3 meelood hal qeyb, dad ahaana ka tahay 4 qeybood hal qeyb, Puntland tahay dawladda kaliya ee saaran Badda Cas iyo badweynta India, Dastuurka Puntland qorayo in ay heshiisyo caalami ah geli karaan, kuna dhaqmayaan dastuurkooda, dawladda Soomaaliya go’aan ka gaari karin arimaha Soomaaliya.

Gaas ayaa sidoo kale shirkiisa jaraa’id ku sheegay in Imaaraadka uu yahay dalka kaliya ee taageera maamulkiisa islamarkaana yahay Imaaraadka dal ay wadaagaan Ganacsiga.

Waxaa uu sheegay in Imaaraadka uu kala dhaxeeyo xiriir dhinaca nabad-galyada ah, gaar ahaan la dagaalnaka tahriibka, argagixisada, burcad badeeda iyo waliba kalluumeysiga sharci darrada ah.

‘Heshiiska aan la galnay DP World waxaa uu noqonayaa maalgashigii ugu wanaagsanaa ama ugu ballaarnaa ee aan sameyno tan iyo markii ay bur burtay dowladdda dhexe ee Soomaaliya 1991kii’’ ayuu yiri Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo siweyn u amaanay doorka Imaaraadka ee Soomaaliya.

Maalgashiga shirkadda DP World ayuu ku tilmaamay mid hormar u keeni kara guud ahaanba gobolka, gaar ahaan shaqo abuur loo sameynayo Kumannaan dhalinyaro ah shaqa la’aantu heyso.

Shirka jaraa’id madaxweynaha dowlad gobolleedka Puntland ayaa imanaya waayadii ugu danbeeyayba cirka isku shareeray khilaafka dowladda federaalka Soomaaliya iyo Imaaraadka kaa oo ka soo bilaawday go’aankii ay dowladda Soomaaliya ka qaadatay khilaafka wadamada Khaliijka, hasse ahaatee xoogeystay tan iyo wixii ka danbeeyay markii ay dowladdu qabatay diyaar laga lahaa Imaaaraadka oo lacag malaayiin dollar ah ka soo dajisay garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]