4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 26, 2018
War laga soo saaray shirkii Amniga ee ku soo dhamaaday Garoowe

 

Khamiis, April, 26, 2018 (HOL )- Shirkii Amniga Soomaaliya ee ka dhacay magaaladda Garoowe ee u dhaxeeyey wasaaradda Amniga Gudaha Soomaaliya iyo madaxda wasaaradaha dowlad goboleedyada ayaa soo gabagaboobay waxaana laga soo saaray war-murtiyeed ka kooban 13 qodob.

War-murtiyeedka oo ay ku saxiixan yihiin Wasiir ku-xigeen Amniga Gudaha Dowladda Faderalka Soomaaliya Cabdinaasir Siciid Muuse iyo Wasiiradda wasaaradaha Dowlad Goboleedyadda Puntland, Galmudug, Jubbaland, Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed ayaa waxaa warfidiyeenka u akhriyey agaasimaha guud ee wasaaradda Amniga Gudaha ee Soomaaliya Yuusuf Cali Maxamed.

Halkan ka akhri war-murtiyeedka Shirka ka soo baxay.

 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]