4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 26, 2018
Khudbadaha musharixiinta guddoonka Golaha Shacabka oo maanta la soo gabagabeynayo

 

Khamiis, April, 26, 2018 (HOL )- Sida uu qorshaha yahay maanta oo Khamiis ah ayaa lagu wadaa in la soo gaba gabeeyo dhageysiga khudbadaha Musharixiinta u taagan qabashada xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Shalay ayaa waxaa khudbado jeediyay ilaa Lix Musharax oo ka mid ah xubnaha u taagan xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka, waxayna ka hadleen mid walba waxaa uu qabanayo haddii uu ku guuleysto xilka.

Sidoo kale maanta lagu wadaa in ay khudbado jeediyaan ilaa Shan Musharax oo ah kuwa harsan, waxaana ugu dambeyn la soo gaba gabeyn doonaa gelinka dambe ee maanta.

Xubnaha maanta Baarlamaanka khudbadaha ka horjeedin doona ayaa waxa ay kala yihiin Xildhibaan Shariif Sheekhunaa Maye, Xildhibaan Maxamed Sh C/raxmaan Mursal, Xildhibaan Shariif Maxamed Cabdalla, Xildhibaan Maxamud Macalin Yaxye iyo Xildhibaan Iimaan C/laahi Nuur

Maalinta Isniinta ah oo ku beegan tahay 30-ka bishan ayaa lagu wadaa in ay dhacdo doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka, waxaana Magaalada Muqdisho laga dareemayaa diyaar garowga ku aadan Doorashada.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]