4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 25, 2018
Xulka Qaranka Soomaaliya oo u soo baxay Finalka tartanka Cecafa cayaartooyda da’doodu ka yar tahay 17-da sano

 

Arbaco, April, 25, 2018 (HOL )- Xulka Kubadda Cagta Soomaaliya ku matalaya tartanka Cecafa ee cayaartooyda da’doodu ka yar tahay 17 sano ayaa ugu danbeyntii xaqiiqsaday in ay u soo baxeen Finalka tartanka kaddib markii ay 1-0 uga adkaadeen xulka Qaranka Uganda.

Qeybtii hore ee cayaarta waxaa Rigoore loo dhigay aan ka faa’ideysan xulka kubadda Cagta Uganda, tasoo ka dhigtay in wareegga hore lagu kala nasto 0-0.

Hasse ahaatee wareegii danbe ee cayaarta markii leysku soo laabtay ayeey xulka kubadda Cagta Soomaaliya Goolkoodii ugu horeeyay helleen kaasoo uu u dhaliyay Farxaan Duqoow, waxaana uu Goolkasi noqday mid u horseeda cayaartooyda Soomaaliya in ay u soo gudbnaa Lugta ugu danbeysa tartanka.

Horay waxaa ay uga soo badiyeen xulka Kenya 1-0 waxaana muuqata in dhalinyarada da’doodu ka yar tahay 17 sano soo bandhigayaan cayaar xirfad sare leh tartanka oo ka soconaya dalka Burundi.

Hassan Goodah 
Hiiraan Online Nairobi Kenya