4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 25, 2018
Fatahaad ku dhufatay qeybo ka mid ah dalka Kenya

 

Arbaco, April, 25, 2018 (HOL)– Kanaallada ugu waaweyn dalkaasi Kenya ayaa xiligan qarka u saaran in ay karkaaraada jabsadaan, kaddib Roobab Lixaad leh oo da’aya sida laga soo xigtay Laanqeerta Cas Kenya.

Abbas Gullet, oo ah madaxa Laan-Qayrta Cas ee Kenya, ayaa sheegay in ay uga digayaan dadka ku dhaqan  gobollada Bariga iyo Bartamaha Kenya  in ay u guuraan dhulka sare si ay uga nabad-galaan khaatar ka dhalan karta fatahaada.

Waxaa uu sheegay in 200,000 ay horeyba uga barakaceen daadadkan, waxaana ay qaarkood hadda hoy ka sameysteen dugisyada waxbarashada, halka kuwa kalana ay deegaansanayaan dhul cidlo ah oo ay is leeyihiin waad uga nabad-gali kartaa fatahaada.

Waxaa lagu shaaciyay baraha bulshada sawiro muujinaya saameynta ay dadka ku yeesheen fatahaadan gaar ahaan xubin ka tirsan Laanqayrta Cas oo caawinaya nin waayeel ah oo jooga koonfurta Bari ee Tana River, halkaa oo 50,000 oo qoys ay ka barakaceen guryahooda.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]