4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 25, 2018
Shir Amniga looga hadlayo oo maanta ka furmaya magaalada Garoowe

 

Arbaco, April, 25, 2018 (HOL)– Maamul gobolleedka Puntland ayaa marti-gelinaya  shir ku saabsan Xasilinta Amniga Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya oo lagu imartiqaaday mas’uuliyiinta wasaaradaha Amniga Xukuumadda Federaalka iyo maamul goboleedyada ka dhisan dalka.

Shirkan ayaa waxaa ka qeybgali doona wasiir ku xigeenka wasaaradda Amniga gudaha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdinaasir Siciid Muuse iyo wasiirada Amniga maamul goboleedyada Koonfurta Soomaaliya.

Wasaaradda Amniga dowladda Puntland ee shirkan marti-gelinaysa ayaa khibraddeeda la xiriirta sugidda amniga la wadaagaysa mas’uuliyiinta ka socda Koonfurta Soomaaliya,si loo xasiliyo Amniga Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya oo ay weli ku xooggan yihiin malayshiyaadka Al-shabaab,islamarkaana ay ka socdaan dagaallo iyo qaraxyo joogta ah.

Shirka ayaa looga hadli doonaa ka hortaga qorshayaasha Al-Shabaab iyo Daacish iyo wadashaqayn dhaxmartay hay’adaha amniga dowladda dhexe iyo kuwa maamul gobaleedyada.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]