4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 25, 2018
Wararkii ugu danbeeyay fatahaada magaalada Beledweyne

 

Arbaco, April, 25, 2018 (HOL) – Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Cabdullaahi Axmed Maalin ayaa warbaahinta u sheegay in tirada dadka ka barakacay fatahaada magaalada qiyaastii gaarayaan 9000 oo ruux kuwaa oo maciinbiday deegaannada dulleedka Bari gaar ahaan Ceel Jaalle.

Guddoomiyaha aya ka deyriyay xaalada nolaleed ee dadka ka barakacay guryihii ay ku noolaayeen, kuwaa oo sida uu hadalka u dhigay ku dandareysay deegaannadii ay u barakaceen.

‘’Waxaan u tagnay qoysas wax u diyaarsan aysan jirin oo meel cidlo ah daadsan, ma heystaan guryo iyo Hoy ay gallaan, ma heystaan musuqulo, ma heystaan wax ay ka gallaan roobka wali da’aya, waxaa ay u baahan yihiin in lala gaaro gargaar degdeg ah ah’’ ayuu yiri guddoomiyaha.

Guddoomiyaha ayaa intaa ku darray in ay hayaan xog ku saabsan biyo ka soo rogmaday roobabka ka da’aya Itoobiya ku soo fool leeyihiin magaalada, waana tan keentay in 30% dadkii ku dhaqnaa magaalada goor hore isaga sii baxaan iyaga oo ka cabsi qaba wax-yeelo ka soo gaartay biyahan digniinta laga soo saaray.

Xaafaddaha ugu badan ee laga barakacay ayaa waxaa ka mid ah Xaawo-Taako Kooshin iyo qeybo ka mid ah xaafadda Buundo-weyn ee magaalada Beledweyne.

Biyaha hadda dadka barakiciyay ayaa ah xereeda roobabkii ugu danbeeyay ee ka da’ay magaalada kaddib markii Wabiga oo buux dhaafay uu dib ugu soo rogay biyaha xaafaddaha magaalada.

Ma jiro ilaa iyo hadda kaalmo muuqata oo la gaarsiiyay dadka ka barakacay fatahaada marka laga reebo Bacaha laga gallo roobka oo ay gaarsiiyeen maamulka gobolka Hiiraan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]