4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 24, 2018
Wasiirka arrimaha dibada Soomaaliya oo la kulmay safiirka Turkga

 

Talaado, April, 24, 2018 (HOL) - Wasiirka Arrimaha dibedda iyo Iskaashiga caalamiga ah ee Soomaaliya Axmed Ciise Cawed iyo Safiirka Turkiga u jooga Soomaaliya Mr Olgan Bekar, ayaa maanta kulan ku yeeshay xarunta Wasaarada Arrimaha dibada ee magaalada Muqdisho waxaana si gaar ah ay uga wada hadlay habka loo xoojin karo wada shaqaynta Labada dal.

Kulankan ayaa lagu Lafa guray sidii dowladda Turkiga ay usii xoojin lahayd taageerada ay siiso Dowlada Soomaaliya, iyadoo labada dhinacna ay is dhaafsadeen Dukumiindiyo arrintaasi ku xusan.

Intii lagu guda jiray kulanka ayaa labada dhinac sidoo kale ay isla soo qaadeen sidii sare loogu qaadi lahaa xiriirka qotoda dheer ee ka dhexeeya Labada Wadan iyo sidii loo xoojin lahaa iskaashiga Walaaltinimo ee wax wada qabsi.

Mr Olgan Bekar, Safiirka Dowlada Turkiga ee Soomaaliya ayaa dhankiisa ballan qaaday Dalkiisa ay adkayn doonaan xiriirka ka dhexeeya Labada dhinac, wuxuna sheegay in doorkooda ku aaddan garab istaagga iyo gargaarka ay siiyaan walaalahooda Soomaaliya ay sii labo laabi doonaan

Ilyaas Axmed Cilmi Guute
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya.