4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 24, 2018
Nin loo tusan yahay in uu dad ku laayay Mareykanka oo la qabtay

 

Talaado, April, 24, 2018 (HOL) - Booliiska dalka Maraykanka ayaa qabtay nin looga shakisan yahay in uu afar ruux ku dilay gobolka Tennessee.

Travis Reinking oo 29 jir ah ayaa la sheegay in gacanta lagu dhigay isaga oo ku gabanaya meel dhir badan.

Wuxuuna ku eedaysan yahay in uu rasaas ku furay dad Axaddii ku sugnaa makhaayad, kadibna intuu dharka iska bixiyay ayuu cararay isaga oo qaawan.

James Shaw Jr oo macaamiisha ka mid ahaa ayaa ka hortagay in uu dhiig badan sii daato isaga oo qorigii la qabsaday kana qaaday ninkan laga shakisan yahay.

Sawir ay booliisku shaaciyeen ayaa lagu arki karaa Reinking oo qaba maro jeexjeexan iyo xaktimo jirkiisa ka muuqda.

Marka la qabtay waxaa laga helay biskoolad iyo rasaas, sida ay booliisku sheegeen, wuxuu codsaday in qareen loo qabro, wuxuuna diiday in uu ka jawaabo su’aalihii la waydiiyay.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]