4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 23, 2018
Madax dhaqameed ka mid ahaa golaha Guurtida Somaliland oo muddo laga hakiyey in uu golaha yimaado

 

Isniin, April, 23, 2018 (HOL) - Suldaan Ismaaciil Suldaan Cabdiraxmaan oo ka mid ah xildhibaanadda golaha Guurtida ayaa laga joojiyey inuu golaha yimaado ka dib markii uu ka qaybgallay caleemo saar xafladii loo qabtay beel daajiye ka dhacay deegaanadda Puntland.

Suldaan Ismaaciil ayaa ka mid ahaa afar madax dhaqameed oo reer Somaliland oo ka qaybgallay caleemo saarka xaflad lagu caleemo saarayey beel daajiyo reer Puntland ah, haseyeeshee waxa uu isagu kaga duwan yahay madax dhaqameedkii kale wuxu ahaa xildhibaanadda golaha Guurtidda, wallow isaga lagu casuumay madax dhaqameed ahaan.

Gudoomiye ku xigeenka golaha Guurtidda Siciid Jaamac Cali ayaa warbaahinta u sheegay in inta go’aan laga gaadhayo laga joojiyey inuu ka qaybgalo kalfadhiyada golaha.

“way jirtaa xildhibaan ismaaciil oo haddana madax dhaqameed ahi inuu deegaanadda Puntland kaga qayb galay beel daajiye lagu caleemo saarayay hadaladii meeshaa qaybo ka mid ahi madax dhaqameedkeenu ka jeediyeen ayaa keentay woxoogaa yar oo xasaasiyad ah,markaas anaga waxa naga khuseeyay odayaashii meesha tagay xildhibaankaas, shirguddoonkuna waxa ay go’aamiyeen in go’aan laga gaadhayo in golaha dibada ka joogo wixii kasoo baxana dib ayaanu idiinka soo sheegi doonaa.”ayuu yidhi Siciid Jaamac gudoomiye ku xigeenka Guurtidda

“suldaanka odhan mayno waa la ciqaabayaa oo ciqaab malaha laakiin dibada ayuu ka joogayaa golaha guurtidda in muddo ah.”ayuu hadalkiisa raaciyey.

Suldaan Ismaaciil in la xidho waxa ka badbaadiyey xasaanadda xildhibaanimo ee uu huwan yahay, isla markaana wararku waxay sheegayaan in la doonayo in laga qaadayo xasaanadda xildhibaanimo maadaama oo isagoo xildhibaanna ka qaybgallay xaflad ka dhacaysay deegaano Puntland, wallow isagu aanu hadalo siyaasadeed madasha ka jeedin.

Xildhibaan Ismaaciil ayaa isaguna geestiisa ka wadda dhaqdhaqaaq uu xildhibaanimadisii ku sii haysanayo, waxanu maanta la arkayey isagoo shir ducoodyo la lahaa madax dhaqameed kale si aan xasaanadda looga qaadin.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.