4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 23, 2018
Gudigga qabanqaabada 18 May ee Gobolka Sool ayaa la magcaabay

 

Isniin, April, 23, 2018 (HOL) - Guddi la sheegay in ay qaban qaabinayaan xuska 18ka May oo ah waqtigii Somaliland ku dhawaaqday in ay ka go'day Soomaaliya inteeda kale ayaa lagaga dhawaaqay magaalada Laas-caanood.

Gudoomiyaha Gobolka Sool Cabdi Khayre Dirir oo saxaafada xafiiskiisa kula hadlay ayaa waxa uu sheegay in gudigani ay ka kooban yihiin 17 xubnood oo laga soo xulay Bulshada iyo xukuumadda..

Liiska gudigan oo ah midka muuqaalka hoose ku xusan ayaa ah kii ugu saamaynta badnaa mudo 10 sanno gaadhaysa oo Somaliland maamulka gacanta ku haysey.

18ka May ayaa inta badan dhalisa muran rabshado ka dhasha magaalada Laascaanood iyadoo dadka degaanku ay maalintaa dhinac dhigeen maalinta nadaafada oo iyadana 2006dii loo asteeyey.

 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]