4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 23, 2018
Ra'iisal wasaaraha dalka oo sheegay in dowladdu daabici doonto lacago Shilin Soomaali ah

Isniin, April, 23, 2018 (HOL)–Raysul wasaaraha dowaldda federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa sheegay in shir ka dhacay magaalada Washington oo uu ka qeybgalay wasiirka wasaaradda maaliyadda Soomaaliya la isku raacay in Soomaaliya ay isbadallo muuqda ka sameeysay dhinacyada Dowlad wanaagga iyo dhaqaalaha.

Waxa uu xusay in masuuliyiinta hay’adda lacagta adduunka iyo Bankiga dhexe ee Washington oo uu kulamo la qaatay wasiirka maaliyadda ay isku raaceen in Soomaaliya laga taageero daabacaadda lacago Shilin Soomaali ah.

 “Sanad ka hor waxaan ka balanay inaan rabno inaan wax ka qabano dhaqaalaha wadanka,maalmo ka hor waxaa magaalada Washington shir uga qeyb galay wasiirkeenna Maaliyadda, halkaasi waxaa la isku raacay Soomaaliya iney soo gaartay meel aduunyada aanu maleynin inaan gaarno sanad ka dib,halkaasi waxaa la isku raacay in dib loo yagleelo shilinka Soomaaliga waxaa la isku raacay in dib loo dhiso loona habeeyo bangigeena dhexe”, ayuu yiri Mudane Xasan Cali Kheyre.

Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya oo hadalkiisa sii wata ayaa Yiri” Waxaa la isku raacay in Bankiga aduunka iyo dalalka dunida qaarkood sida Midowga Yurub bilaabi doonaan in Malaayiin dollar ugu deeqaan Soomaaliya, Akoonka Dowladdana lagu soo shubi doono.”

Ugu danbeyntii,Mudane Xasan Cali ayaa tilmaamay in la isku raacay in hiigsiga qorshihii mudo la soo waday oo ah in Soomaaliya deynta laga cafiyo.

Waxa uu intaa ku daray in wadamada caalamku isku raaceen sidii ay Soomaaliya ula fal-geli lahayd hay’adaha dhaqaalaha adduunka.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.