4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 23, 2018
Bandhigga Buugaagta Kismaayo oo goordhow furmi doona


Isniin, April, 23, 2018 (HOL)–Magaalada Kismaayo ayaa lagu wadaa in uu goordhow ka furmo bandhigga buugaagta Kismaayo, kaa oo lagu soo bandhigayo buugaag ay qoreen qoraayaal kala duwan oo isugu jira Soomaaliya iyo Ajaanib.

Buugaagta lagu soo bandhigay carwo bandhigeedkan ayaa u badan buugaag ku qoran luuqadda Soomaaliga oo ay qoreen qoraayaal Soomaaliyeed, waxayna isugu jiraan Taariikhda dalka, Dhaqanka, Taariikhaha siyaasiyiin iyo shaqsiyaad caan ah, suugaan iyo sheekooyin kale.

Max’ed C/qaadir Aadan gudoomiyaha gudiga qaban-qaabada Bandhigga Buugaagta Kismaayo ayaa HOL u sheegay in sanadkan ay kasoo qeybgalayaan qoraayaal Soomaaliyeed oo kala kala yimid gobollada dalka iyo dibaddaba.

Ka sokow buugaagta lasoo bandhigayo waxaa sidoo kale madasha lagu soo bandhigay qaar kamid ah agab dhaqameedka ay caanka ku tahay bulshada Soomaaliyeed.

Bandhiggan ayaa waxaa sidoo kale ka qeybgalaya masuuliyiin kala duwan oo uu kamid yahay wasiirkii hore ee wasaaradda arimaha gudaha Soomaaliya Cabdi Faarax Juxa.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.