4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 23, 2018
Wasiirada warfaafinta dowlad goboleedyada: Nama quseeyso natiijada shirka bad-qabka suxufiga ee lasoo xiray


Isniin, April, 23, 2018 (HOL)–Sii hayaha xilka wasiirka wasaaradda warfaafinta Soomaaliya, ahna wasiir kuxigeenka wasaaraddaasi Mudane C/raxmaan iidaan Yoonis ayaa soo xiray shirki looga hadlayay bad-qabka saxafiga, kaa oo labadii maalmood ee u danbeeyay ka socday magaalada Muqdisho.

Shirkan oo ay ka qeybgaleen madax ka socotay warbaahinta dowliga ah, tan madaxa bannaan, ururrada bulshada rayidka ah iyo marti sharaf kale ayaa intii uu socday looga dooday arimo la xiriira sidii suxufiyiinta Soomaaliyeed ay si bad-qab ah ugu gudan lahaayeen waajibaadkooda, loona ilaalin lahaa xuquuqahooda.

Shirka ayaa go’aanadii kazoo baxay waxaa kamid ahaa dhismaha guddiga qaran ee bad-qabka suxufiyiinta Soomaaliya, kaa oo ka koobnaan doona ilaa 11 xubnood oo kala kala iman doona dowladda, warbaahinta iyo bulshada rayidka ah.

Dhinaca kale, wasiirada warfaafinta dowlad goboleedyada dalka oo iyagu markii hore lagu casuumay shirka ayaa isaga baxay maalintii 1-aad ee uu shirku furmay, ayagoo ku eedeeyay wasaaradda warfaafinta dowladda Soomaaliya in ay marin habaabisay shirka islamarkaana aysan muuqan doorkii ay lahaayeen dowlad goboleedyada.

Wasiirka wasaaradda warfaafinta Jubbaland Mudane C/nuur Cali Aadan oo la hadlay shabkadda HOL ayaa sheegay in natiijada kasoo baxday shirkaasi aysan quseyn.

“Shirkaasi dhammaan dowlad goboleedyada way isaga baxeen, natiijada kasoo baxday maahan mid na quseeysa, waxaan cadeeyneynaa in shirkaasi aynan ka qeybgalin oo aynan shaqo ku lahayn waxa kasoo baxay,” ayuu wasiirku hadalkiisii raaciyay.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.