3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 23, 2018
Dowladda Soomaaliya oo daah-furtay Hab-Raaca Daneeyayaasha Badqabka Saxafiga

 

Isniin, April, 23, 2018 (HOL) – Ku simaha Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, ahna Wasiir kuxigeenka Warfaafinta Cabdiraxmaan Iidaan Yooniis, ayaa daahfuray Hab-Raaca qaran ee Badbaadinta Saxafiga, oo ah kii ugu horeeyay ee laga hirgaliyay dalalka ku yaalla Bariga Afrika.

Wasiirka ayaa tallaabo guul ah ku tilmaamay go’aanada ka soo baxay shirka muddada labada maalmood u socda daneeyayaasha badbaadinta saxafiyiinta, waxayna go’aan ka gaareen qaab-dhismeedka, howlaha iyo maamulka guddiga horkacaya Hab-Raaca.

Daneeyayaasha ka socday Warbaahinta, dowladda, ururada xuquuqda aadanaha iyo bulshada rayidka, ayaa maalmihii Sabtida iyo Axadda ee 21 iyo 22 April 2018 ku kulmay magaalada Muqdisho si ay u abuuraan Hab-Raaca qaran ee badbaadinta saxafiyiinta.

Kulankta, oo ay qabanqaabisay wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska, oo ay taageerayaan UNESCO iyo hey’adaha caalamiga ah ee caawiya Soomaaliya ururka ay ku midoobeen ee Taageerada Warbaahinta Soomaaliya (SMSG). Waxay jawaab ka soo saareen qaabka loola tacaali karo dambiyada ka dhanka ah saxafiyiinta ee aan loo ciqaabin ciddii ka dambeysay.

Kulanka labada maalmood, ayaa qeybaha warbaahinta ee dowliga ah iyo kuwa aan dowliga ahayen waxay ka tashteen sida ugu wanaagsan ee loo abuuri karo Hab-Raac ah ku dhan yihiin dhamaan daneeyayaasha badqabka saxafiga iyo sidii dowladda looga taageeri lahaa la tacaalidda arrimaha la xiriira tallaabo ka qaadis la’aanta dambiilayaasha aan la ciqaabin ee geysta dambiyada lagula kaco saxafiyiinta Soomaaliyeed.

Kulanka, ayaa si wadar-ogol ah ugu codeeyay in la sameeyo Guddiga Qaran ee Xiriirinta howlaha Badqabka Saxafiga, oo ka koobnaan doona 11 xubnood oo loo qeybsanayo sida soo socota:

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
4/23/2018 9:48 AM EST
Isniin, April, 23, 2018 (HOL) - Suldaan Ismaaciil Suldaan Cabdiraxmaan oo ka mid ah xildhibaanadda golaha Guurtida ayaa laga joojiyey inuu golaha yimaado ka dib markii uu ka qaybgallay caleemo saar xafladii loo qabtay beel daajiye ka dhacay deegaanadda Puntland.

4/23/2018 9:04 AM EST
Isniin, April, 23, 2018 (HOL)-Guddi la sheegay in ay qaban qaabinayaan xuska 18ka May oo ah waqtigii Somaliland ku dhawaaqday in ay ka go'day Soomaaliya inteeda kale ayaa lagaga dhawaaqay magaalada Laas-caanood.

4/23/2018 8:46 AM EST
Isniin, April, 23, 2018 (HOL)-Taliyaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeeda Janaraal Cabdiweli Jaamac Gorod ayaa sheegay in gacanta lagu soo dhigay Askar ka tirsan ciidamada dowladda oo doonayay in ay kala baxaan keydka xerada Jen Gordan Agab ciidan.

4/23/2018 8:36 AM EST
Isniin, April, 23, 2018 (HOL)–Xildhibanada Golaha Aqalka sare oo maanta kalafadhigii 3-aad kullankiisa 7-aad yeeshay ayaa waxay Hindise sharciyeedka la dagaallanka Masuq-maasuqa ka dhageysteen Wasiirka Cadaaladda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Abuukaate Xasan Xuseen.

4/23/2018 7:03 AM EST
Isniin, April, 23, 2018 (HOL) – Dagaal culus ayaa goor dhaw oo maanta ah ku dhaxmaray ciidamo ka wada tirsan dowladda Soomaaliya agagaarka dugsiga tababarka Jen Gordan ee degmada Hodan oo dhawaan ay isaga baxeen saraakiishii Imaaraadka ee halkaa tababarada ciidamada ka waday.

4/23/2018 6:50 AM EST
Isniin, April, 23, 2018 (HOL)–Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta Gareen Wasiiru dowlaha Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Federaalka Soomaliya ayaa maanta ku dhawaaqay inuu iska casilay xilkaasi.

4/23/2018 6:44 AM EST
Isniin, April, 23, 2018 (HOL)–Xiriirka kubada cagta dalka England ayaa waxay si rasmi ah ugu shaaciyeen xafladii ka dhacday magaalada London ee dalka England in Mohamed Salah uu yahay xidiga ugu ficaan horyaalka Premier League sanad ciyaareedka 2017/2018.

4/23/2018 4:47 AM EST
Isniin, April, 23, 2018 (HOL)–Raysul wasaaraha dowaldda federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa sheegay in shir ka dhacay magaalada Washington oo uu ka qeybgalay wasiirka wasaaradda maaliyadda Soomaaliya la isku raacay in...

4/23/2018 2:57 AM EST
Isniin, April, 23, 2018 (HOL)–Magaalada Kismaayo ayaa lagu wadaa in uu goordhow ka furmo bandhigga buugaagta Kismaayo, kaa oo lagu soo bandhigayo buugaag ay qoreen qoraayaal kala duwan oo isugu jira Soomaaliya iyo Ajaanib.

4/23/2018 2:31 AM EST
Isniin, April, 23, 2018 (HOL)–Sii hayaha xilka wasiirka wasaaradda warfaafinta Soomaaliya, ahna wasiir kuxigeenka wasaaraddaasi Mudane C/raxmaan iidaan Yooni ayaa soo xiray shirki looga hadlayay bad-qabka saxafiga, kaa oo labadii maalmood ee u danbeeyay ka socday magaalada Muqdisho.

4/23/2018 12:02 AM EST
Isniin, April, 23, 2018 (HOL)–Maanta oo Isniin ah ayaa lagu wadaa in la bilaabo is diiwaangelinta Musharaxiinta u tartameysa xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka Golaha Shacabka.