4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 21, 2018
Dowladda Soomaaliya oo si rasmi ah ula wareegtay ciidamadii uu Imaaraadku tababarayay


Sabti, April, 21, 2018 (HOL) - Dowladda Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah ula wareegtay dugsigii tababarka Jen Gordan oo ay horey u maamulayeen saraakiishii Imaaraadka ee tababarka siinayay ciidamada dowladda Soomaaliya.

Saraakiisha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa si rasmi ah ula wareegay ciidamadii halkaa ay ku tababarayeen Imaaaraadka iyo gadiid ka kooban 25 gadiidka Cabdi Bilaha ah oo ka mid ahaa agabkii ciidamada ee halkaa yaalay.

Abaandulaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed Jen Cabdullaahi Cali Caanood ayaa sheegay in dowladdu maanta si rasmi ah ula wareegtay xerada Jen Gordan iyo ciidamadii halkaa lagu tababarayay intaba, waxaana uu meesha saaray warar sheegayay in la bililiqeystay xerada iyo agabkii militari ee yaalay.

‘’Saraakiishii Imaaraadka ee dugsiga maamulayay waxaa ay si buuxda ugu wareejiyeen dugsigan ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, waxaan la wareegay dhamaanba dhismihii uu ka koobnaa dugsiga, waxaan kaloo la wareegnay gadiid ay noogu deeqeen’’ ayuu yiri Abaandulaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed.

Bilihii ugu danbeeyayba waxaa xumaan xiriirka u dhaxeeya dowladaha Soomaaliya iyo Imaaaraadka, taasoo keentay in Imaaraadku ka xirirto howlihii kala duwanaa ee mudadda dheer ay ka soo wadeen gudaha dalka Soomaaliya oo ay ka mid ahaayeen tababarada ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]