4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 21, 2018
Cabdiwali Gaas oo u anbabaxay dalka Iskutaga Imaaraadka Carabta

 

Sabti, April, 21, 2018 (HOL) - Madaxweynaha dowlad gobolleedka Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa ka anbabaxay garoonka diyaaradaha magaaalada Bosaaso isagoo ku sii jeeda magaalada Abu Dabai ee xarunta Isutagga Imaaraadka Carabta.

Gaas ayaa sheegay in uu kulan la qaadan doono Madaxda Imaaraadka Carabta, islamarkaana uu kala hadi doono arrimo ay ka mid yihiin tayeynta ciidamada Booliska Badda Puntland oo ay Mushaar siiso dowladda Imaaraadka carabta iyo sidoo kale horumarinta Puntland.

Safarkan ayaa ku soo beegmaya xilli xiisadda u dhaxeysa Soomaaliya iyo dowladda Imaaraadka Carabta ay xoogeysatay, islamarkaana dowladda Imaaraadka ay joojisay tababaradii ciidamada dowladda Soomaaliya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]