4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 21, 2018
Sacad Cali Shire : Waa dhab Imaaraadku si rasmi ah uma Ictiraafsana Somaliland

 

Sabti, April, 21, 2018 (HOL) –Wasiirka arrimaha dibeda Somaliland Sacad Cali Shire oo ka jawaabayay hadalkii dhawaan ka soo yeeray Wasiiru-dowlaha arrimaha dibeda Imaaraadka Carabta ayaa sheegay in ay dhab tahay in Imaaraadku uusan si dhab ah u Ictiraafsaneyn jirintaanka Somaliand.

‘’Waa dhab Imaaraadku si rasmi ah uma aqoosana jiritaanka Somaliland, Safaaradna kuma laha, Qunsulna kuma laha, laakiin xaqiiqdu waxaa ay tahay Somaliland wadan jira oo jiritaankiisu la aqoonsan yahay cid faro badan oo dan ka lihina ay heshiis kula gashay’’ ayuu yiri Wasiirka arrimaha dibeda Somaliland.

Waxaa uu meesha ka saaray wasiirka eedeyn uga timid guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Cirro oo ku eedeeyay xukuumadda uu hogaamiyo madaxweyne Muuse Biixi Cabdi Qiyaanno Qaran.

‘’Ma jirto Qiyaanno Qaran oo aynu galnay iyo Shacab la qiyaameeyay intaba, heshiiskan markii la galayayna Soomaaliya daraf kama aysan aheyn’’ ayuu hadalkiisa sii raaciyay Wasiirka.

Wasiirka ayaa ku adkeystay in heshiiskii ay wadagaleen iyaga iyo shirkadda DP World uu ahaa mid sax ah oo hergalay, isaga oo intaa ku daray in la horgeeyay heshiiskaa oo tafaftirada golaha Wakiilada Somaliland sidaana ku aqbaleen.

Hadalka Wasiir Sacad Cali Shire ayaa imanaya xilli Imaaraadku sheegeen heshiiska dekedda Berbera ay la galleen dowladdiihii hore ee Soomaaliya sidoo kalana aqoosan yihiin midnimada umadda Soomaaliyeed.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]