Sabti, April, 21, 2018 (HOL)–Xildhibaannada Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa maanta lagu waddaa in ay kulan ku yeesheen xarunta Golaha Shacabka, iyaga oo uga wada hadli doona hanaanka doorashada guddoonka Baarlamaanka.
Ajandaha kulanka maanta ayaa waxaa ka mid ah Magacaabista Guddiga doorashadda Gudoomiyaha Golaha Shacabka.
Guddoomiyihii Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa 9-kii bishan April iska casilay xilka Guddoonka, sida xeerka Baarlamaanka uu dhigayana ay waajib tahay in booskaas lagu buuxiyo mudo 15 maalmood ah.
Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka bilowday Olole Doorasho oo qaar ka ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ay ugu jiraan sidii ay u raadin lahaayeen xilkii uu baneeyay Gudoomiye Jawaari.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online [email protected]