4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Apr 20, 2018
Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in ay dib ugu celineyso Imaaraadka lacagtii lagala wareegay

 

Jimco, April, 20, 2018 (HOL) – Wasiirka Wasaaradda Arrimaha dibada xukuumadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya dib ugu celin doonto Imaaraadka lacagtii dhawaan lagu qabtay garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho.

Wasiirka oo wareysi gaar ah siinayay Laanta Afka Soomaaliga ee BBC ayaa sheegay in lacagta la qabtay oo dhameyd $ 9 Milyan iyo 600 oo Kun oo dollar dib loogu celin doono gacanta dowladda Imaaraadka kaddib markii ay hay’addaha ku shaqada leh ka dhameystaan sida uu hadalka u dhigay baaritaanka ku socda.

‘’Haa.. lacagtaasi dib ayaa loogu celinayaa Imaaraadka marka hay’addaha ku shaqada leh ka dhameystaan baaritaanka ku socda’’ ayuu yiri Wasiirka arrimaha dibada Soomaaliya.

Sababta dowladdu la wareegtay markii hore lacagta ayuu ku sheegay in shaki badan laga qaaday waqtiga lagu soo beegay oo dalka ay ka jireen ayuu yiri xiisado siyaasadeed’’ Lacagaha wey iman jireen sida aan ka war qabno, laakiin tan waxey lacagihii hore uga duwaneyd waqtiga lagu soo beegay oo xiisad siyaasadeed ay dalka jirtay iyo aan lagu soo wargalin dowladda’’ ayuu yiri Wasiir Cawad.

Dhinaca kale mar uu soo hadal qaaday warkii dhawaan ka soo yeeray Wasiiru-dowlaha arrimaha dibada Imaaraadka Anwar Gargash ee ahaa in heshiiska dekedda Berbera ay wax ka ogaayeen dowladdihii hore ee Soomaaliya, waxaa uu sheegay Wasiir Cawad in dowladda Soomaaliya ee hadda jirta marnaba ka war qabin heshiis arintaa ku saabsan oo dhaxmaray Imaaraadka iyo dowladdihii hore.

‘’Waan dhageystay Wareysiga Wasiirka waxaa uu sheegay Is faham in uu jiray, laakiin ma uusan sheegin wax heshiis ah oo qoran oo labada dhinac dhaxmaray, Annagana ka dowlad ahaan ma aanan arag heshiis qoran oo dhaxmaray Imaaraadka iyo dowladdihii naga horeeyay, haddii aan aragno runtii weynu ixtiraami laheyn’’ ayuu yiri Wasiirka.

Dowladda Soomaaliya ayuu sheegay in mar walba ay soo dhaweyneyso wadahadal laga galo khilaafka jira, isaga oo ku raacay Wasiiru-dowlaha arrimaha dibeda Imaaraadka baqiisii ahaa in aan khilaaffka jira lagu dhameyn qol mugdi ah.

Tan iyo wixii ka danbeeyay markii ay dowladda Soomaaliya la wareegtay lacag ay Imaaraadku sheegeen in loogu talagalay mishaarka iyo saadka ciidamo ay ku tababarayeen gudaha dalka Soomaaliya, waxaa cirka isku sii shareertay xiisadii markii horeba ka dhax jirtay labada dowladdood oo ka soo bilaabatay go’aankii dowladda Soomaaliya ay ka qaadatay khilaafka wadamada Khaliijka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]