4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Apr 20, 2018
Xulka Kubadda Cagta Soomaaliya U-17 oo 1-0 uga badiyay Kooxda Kubadda Cagta dalka Kenya

Jimco, April, 20, 2018 (HOL) – Xulka Kubadda Cagta Soomaaliya ee uu horkacayo Macalin Salaad ayaa u gudbay Semi Final tartanka Cecafa ciyaartoyda da’’doodu ay ka hooseyso 17 jirada.

Ciyaar aad loo jeceleyso ayeey soo bandhigeen Xulka Kubadda Cagta Soomaaliya kulan goor dhaw ka dhacay Garoonka Kubadda Cagta Mayinga ee dalka Burundi.

Soomaaliya ayaa sameysay dhowr isku day taas oo keentay in ugu danbeyntii ay shabaqa ku hubsadaan Gool oo uu dhaliyay Xidiga lagu magacabo Farxaan Duqow.

1-0 ayeey ku soo dhamaatay qeybntii koowad ee ciyaarta oo ay Soomaliya ku hogaamineyso labada dhinac ayaana ku guul dareystay in wax gool ah ay dhaliyaan qeybta labaad ee kulanka.

Ciyaartooyda Kenya ayaa sameeyay fursado Gool lagu dhalin karay laakiin waxaa iska hortaagay daafacyada xulka Qaranka kuwaa oo galabta soo bandhigay Kubadda aad loo jecleystay.

Soomaaliya oo ciyaartii hore looga badiyay 3-0 islamarkaana ay uga adkaadeen xulka Cayaartooyda kubadda Cagta dalka Ethiopa ayaa dhibcihii waxaa u heshay maadama Ethiopa ay safeen ciyaartoy da’’ahaan ka waa weyn 17 jir, halka kulankii labaad ay dhibic ka heleen Martigaliya yaasha Burundi.

Kooxda Kubadda Cagta Soomaaliya ayaa ku soo baxday kaalinta koowad waxaana ay heshay 7-dhibcood halka kaalinta 2-aad ay ku soo baxday xulka Kenya.

Sikastaba dayarta xulka Kubadda Cagta Soomaaliya ayaa hada rajeynaya in meel wacan ay ka gaaran Cecafa Under-17 maadama ay u soo tilaaben Afar dhamaadka tartanka.

Dhanka kale Burundi ayaa 1-0 ugu adkaatay xulka Ethiopia balse labadan xul ayaa gabi ahaan iskaga haray tartanka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]