Wasiir Beyle : Bankiga Aduunka iyo IMF waxaa ay ku qanceen qaabka maamulka maaliyadda
Jimco, April, 20, 2018 (HOL) - Wasiirka
Maaliyadda Soomaaliya Dr Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo ka qayb galay shirka
looga hadlayay taakulaynta iyo cafinta deymaha Soomaaliya ee ku soo dhamaaday
Washington DC ayaa rajo ka muujiyay iyo natiijooyinka ka soo baxaya.
Wasiir Beyle oo kulamo gaar gaar ah la yeeshay
madaxda Bankiga Adduunka, hay’adda IMF iyo masuuliyiintii kale ee shirka ka soo
qayb gashay ayaa sheegay inay ku qanceen habka ay Soomaaliya u maareeyso
dhaqaalaha kooban ee soo gala dalka.
“Shirka aan la qaadannay Bankiga Adduunka iyo IMF
waxaa ay aad ugu qanceen qaabka maamulka maaliyadda, waxeyna noo ballan qaadeen
in ay naga caawin doonaan arrimaha deynta” ayuu yiri wasiir Beyle.
Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa intaa raaciyay inay dowladda Soomaaliya ka
go’an tahay inay ku shaqayso hufnaan iyo aragti fog, wuxuuna ballan qaaday inay
Wasaaradda Maaliyaddu laba laabi doonto dedaalladeeda ku aaddan kobcinta
dhaqaalaha dalka si beesha caalamku u aaminto.
Wasiirka
ayaa ugu danbeyntii sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka mahad celinayso
shirkan oo ku qotoma bilawgii dayn cafinta Soomaaliya ee ay la gashay IMF taas
oo ku dhiiro gelinaysa wadamada deeq bixiyayaasha iyo hay’adaha dhaqaalaha ee
Aduunka in ay garab istaagaan Soomaaliya si loo xaqiijiyo yididiilada dalka uu
ugu jiro hanashada hawlaha qaran.
C/raxmaan Diini,
Hiiraan Online
[email protected]