4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Apr 20, 2018
Wasiirro ka tirsan xukuumadda Soomaaliya oo shir caalami ah uga qeybgalay Washington

 

Jimco, April, 20, 2018 (HOL) – Shir caalami ah oo ay ka qeygalayaan Wakiilada dalalka Deeq bixiyeyaasha Mareykanka, Britain, Norway, QM, Midowga Yurub iyo IMF ayaa lagu qabtay xarunta Bankiga Aduunka Magaallada Washington ee dalka Mareykanka.

Shirkan ayaa waxaa Soomaaliya ku metelayay Wasiirada Maaliyadda, Waxbrashada, Kalluumeysiga, waxaana shirkaasi looga hadlayay sidii Soomaaliya looga cafin lahaa deymaha lagu leeyahay oo gaaraya 5.5 Bilyan.

Waxaa kaloo shirkan qeyb ka ahaa mashruuc Bankiga Aduunka uu ugu tala galay horumarinta Soomaaliya Afarta sano ee soo socoto, si kor loogu qaado dib u dhiska dalka iyo Amniga.

Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr C/raxmaan Cabdi Xaashi ayaa sheegay shirkan inuu noqday mid miradhal ah, rajo weyna ay ka qabaan in Soomaaliya laga cafiyo deymaha lagu leeyahay.

“Shirkii aan halkan u nimid waxaan ka bilownay wada hadalo, IMF ayaa masuul ka ah in Soomaaliya laga cafin karo lacagaha lagu leeyahay, hadii la rabo in deenka lagaa cafiyo dariiq baa la maraa, marka talaabooyinkii la mari lahaa baan bilownay, waxaan ku dhawnahay waqtigigii deymaha nagala cafin lahaa.” ayuu yiri Wasiir.

Soomaaliya ayaa sanadihii la soo dhaafay isku dayeysay in ay gaarto ama ay buuxiso boosaska Beesha Caalamka ay ugu talagaleen wadamada deymaha lagu leeyahay in lagu cafiyo.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]