Isniin, April, 02, 2018 (HOL) – Saddex qof ayuu
xalay qaatay Daadad waaweyn oo uu dhaliyey roob ka da’ay magaaladda Hargeysa,
waxaana la badbaadiyey 48 qof iyo 34 gaadiid ah.
Roobaabweyn ayaa illaa xalay iyo saaka ka da’ayey
magaaladda Hargeysa iyo hareeraheeda, waxaanay roobabkaasi keeneen khasaare dad
iyo duunyaba iskugu jira.
Ciidamada kala duwan ee Somaliland ayaa xalay iyo
saakaba heegan ku jiray ay u gurmanayaan dadka roobabku waxyeeleeyey oo
qaarkood illaa hadda raq iyo ruuxtoona lahayn.
Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed
Kaahin Axmed ayaa sheegay in roobabkaasi dhaliyeen inay daadadkii soo rogmaday
ay qaataan dad badan oo intoodda badan la soo badbaadiyey marka laga reebo
saddex qof oo laba caruur yihiin.
Roobkan ayaa bilaabmay bacdo makhribkii ilaa xili
dambana da’ayey, waxaanu mar kale dib u bilaabmay saaka salaadii subax, waxaanu
wararku sheegayaan in roobabkani xoolo badana ku laayey gobolada galbeedka
Somaliland.
Gobolo badan ayaa mudooyinkan dambe laga soo
sheegayey abaar, haseyeeshee nasiib wanaag roobabkan lagu qabowsaday ayaa
dadkii walaaca ka qabay jiilaalka ka dajinaya.
Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland.