4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 2 , 2018
Ku dhawaan 10 ruux oo ku dhimatay Qarax ka dhacay degmada Buula-burte

 

Isniin, April, 02, 2018 (HOL) – Wararka naga soo gaaraya degmada Buula-burte ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in deegan qiyaastii 7km dhinac galbeed uga beegan ku dhinteen ugu yaraan 10 ruux kaddib markii ay ku qarxday miino waddada dhinaceeda lagu aasay.

Dadka qarax ku dhintay ayaa isugu jira, Hooyo iyo Afar caruur ah oo ay dhashay Aabe iyo macalin Dugsi Qur’aan sida ay qaxiijiyeen dadka deegaanka uu qaraxani ka dhacay.

Dadka ayaa la sheegay in ay ku soo socdeen degmada Buula-burte oo ay adeeg caafimaad u doonanayeen sida ay sheegeen mas’uuliyiin ka tirsan degmada.

Guddoomiyaha Buula-Burte Cabdi Daahir Guure, ayaa warfidiyeenka u sheegay in nuuca miinada ay ahayd kuwa Taangiyada lagula dagaalamo, waxaana loogu talagay, sida uu sheegay, in lala beegsado gaadiidka ciidamada oo waddada isticmaala.

Waa tiradii ugu badneyd oo dad ah oo mar kaliya ku geeriyooda qarax miino oo ka dhacay deegaan hoos yimaada degmada Buula-burte.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]