4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 2 , 2018
Ra’iisal wasaaraha cusub ee Itoobiya oo la dhaariyay

 

Isniin, April, 02, 2018 (HOL) – Baarlamaanka dalka Itoobiya ayaa ra'iisul wasaare cusub u doortay Abiy Axmed, waxaana islamarkiiba loo dhaariyay xilka.

Abiy oo khudbad ka horjeediyay xildhibaannada ayaa qiray in "dimuqraadiyadda curdanka ah" ee dalku ay horseeday in ay muwaadiniin dhintaan sannadihii u dambeeyay.

Kumannaan dad ah ayaa la xiray, tiro aan la ogaynna way dhinteen intii ay mudaaharaadyadu ka socdeen Itoobiya tan iyo markii ay billawdeen sannadkii 2015kii.

Dr Axmed ayaa sidoo kale raaligaliyay dhammaan dadka xuquuqda aadanaha u dooda, siyaasiyiinta iyo dibadbaxyaasha ay qiimaha sare ugu kacday isbadalkii ay dalbanayeen.

Ra'iisul wasaaraha ayaa sheegay in dawladdiisu ay diyaar u tahay in ay Eritrea kala shaqayso sidii loo xalin lahaa muranka u dhaxeeya labada dal iyada oo lawada xaajoonayo.

Isaga oo diiradda saaraya midnimada, qanaacada, caddaaladda iyo iscafintana, Ra'iisul wasaare Abiy wuxuu siyaasiyiinta mucaaradka ah iyo qurbajoogta Itoobiyaanka ah ugu baaqay in laga wada shaqeeyo isafgarad qaran.

Wuxuu sidoo kale ka hadlay in wax laga barto khaladaadkii horay loogalay, lagana shaqeeqo midnimada dalka.

Dr Abiy ayaa sheegay in uu rumaysan yahay in awood wareejinta maanta ay keenayso fursad taariikhi ah oo baal cusub u furaysa taariikhda siyaasadeed ee Itoobiya.

Xigasho BBC

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]