Isniin, April, 02, 2018 (HOL) –
Baarlamaanka Itoobiya ayaa lagu wadaa in uu maanta si rasmi ah u meelmariyo ra’iisal
wasaaraha cusub ee dalka Itoobiya oo loo dhaarin doono in uu noqdo Abiy Ahmed
oo dhawaan loo doortay guddoomiyaha Xisbiga tallada dalkaasi haya ee EPRDF.
Abiya oo ka soo jeeda Qowmiyada
Oromada ayaa badali doona ra’iisal wasaarihii hore ee dalka Itoobiya Hailemariam
Desalegn oo si lama filaan ah isku casilay 15 bishii Feberaayo ee sanadkan.
Marka loo dhaariyo xilka ra’iisal
wasaaraha cusub Abiy waxaa la leeyahay waxaa uu dhaxli doonaan xaalad
siyaasadeed oo aad u qalafsan, dhaqaale xumo, kacdoon siyaasadeed iyo xaalad
deg deg ah oo uu dalku ku jiro.
Waxaa looga fadhiyaan in uu
mideeyo kala qeybsanaanta siyaasadeed ee jirta iyo waliba uu wajahad cusub u
yeelo guud ahaan siyaasada dalka Itoobiya oo waayadii ugu danbeeyay siweyn
leysugu maandhaafsanaa.
Lama oga waxaa xaalada dalka uu ka
badali doono marka xilkan loo dhaariyo xilin iyo in ay ku qanci doonaan dadka Oromada ah ee kacdoonka siyaasadeed ee ka wada dalkaas oo in muddo
ahba tirsanayay cadaaallad daro dhinaca hogaanka sare ee dalka ah.
C/raxmaan Diini,
Hiiraan Online
[email protected]