3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 2 , 2018
Dad rayid ah oo ku dhintay duqeyn ka dhacday dulleedka magaalada Kismaayo

 

Isniin, April, 02, 2018 (HOL)- Wararka ka imanaya deegaan lagu magacaabo Kaamjiroon oo 25km dhinaca Galbeed uga beegan magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in duqeyn shalay halkaa ka dhacday ay ku dhinteen saddex ruux oo rayid ah halka Afar ruux kalana ay ku dhaawacmeen dadkan oo dhamaantood ka soo jeeda hal Qoys.

Dadka dhaawacmay ayaa la sheegay in la geeyay Isbitaalka Magaalada Ksimaayo, waxayna ay isugu jireen Hooyo, Laba caruur ah oo ay dhashay iyo Nin da’ah.

Senator Iftiin Xasan Baasto oo ka tirsan Aqalka sare ee Soomaaliya kana soo jeeda Jubbada hoose ayaa cambaareeyay duqeynta isaga oo sheegay in uusan garaneynin sabab loo beegsaday dadka rayidka ah.

“Duqeynta waxay ka dhacday duleedka Magaalada Kismaayo, dad shacab ah ayaa lagu laayay, sida aad aragteen dhaawacooda waxaa la keenay Isbitaalka magaalada Kismaayo, duqeymaha dadka lagu leynayo way soo bateen guddiga difaaca Baarlamaanka ayaan kala hadli doonaa, si uu u yimaado isla xisaabtan” ayuu ku yiri wareysi uu siiyay VOA-da.

Diyaaradaha dagaalka ayaa Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya waxaa ay ku fuliyaan duqeymo ay la eegtan fariisamaha Al-shabaab ay ku leeyihiin gobolada dalka, balse mararka qaar ayaa waxaa dhacda in howlgalkooda ay khasaare ku gaarsiiyaan dadka shacabka ah

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
4/2/2018 11:24 AM EST
Isniin, April, 02, 2018 (HOL)–Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa khadka Taleefanka ugu hambalyeeyay ra’iisal wasaaraha cusub ee dalka Itoobiya Abiy Ahmed oo maanta oo Isniin ah loo dhaariyay xilka.

4/2/2018 8:32 AM EST
Isniin, April, 02, 2018 (HOL)–Saddex qof ayuu xalay qaatay Daadad waaweyn oo uu dhaliyey roob ka da’ay magaaladda Hargeysa, waxaana la badbaadiyey 48 qof iyo 34 gaadiid ah.

4/2/2018 7:34 AM EST
Isniin, April, 02, 2018 (HOL)–Wararka naga soo gaaraya degmada Buula-burte ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in deegan qiyaastii 7km dhinac galbeed uga beegan ku dhinteen ugu yaraan 10 ruux kaddib markii ay ku qarxday miino waddada dhinaceeda lagu aasay.

4/2/2018 7:23 AM EST
Isniin, April, 02, 2018 (HOL)–Baarlamaanka dalka Itoobiya ayaa ra'iisul wasaare cusub u doortay Abiy Axmed, waxaana islamarkiiba loo dhaariyay xilka.

4/2/2018 5:36 AM EST
Isniin, April, 02, 2018 (HOL)–Baarlamaanka Itoobiya ayaa lagu wada in uu maanta si rasmi ah u meelmariyo ra’iisal wasaaraha cusub ee dalka Itoobiya oo loo dhaarin doono in uu noqdo Abiy Ahmed oo dhawaan loo doortay guddoomiyaha Xsibiga tallada dalkaasi haya ee EPRDF.

4/2/2018 5:20 AM EST
Isniin, April, 02, 2018 (HOL)–Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya ahna Guddoomiyaha Ciidamada AMISOM Francisco Caetano Madeira,ayaa War kasoo saaray weerarkii cuslaa ee ka dhacay degaanka Buulo-Mareer ee gobolka Shabeellaha Hoose.

4/2/2018 4:17 AM EST
Isniin, April, 02, 2018 (HOL)–Ugu yaraan saddex ruux ayaa la xaqiijinayaa in ay ku dhinteen darbi ku soo dumay dhismaha Mall laga hergalinayo Agagaarka KM4 magaalada Muqdisho.

4/2/2018 3:22 AM EST
Isniin, April, 02, 2018 (HOL)-Inta badan Xildhibaannadii Golaha Shacabka ee waday mooshinka ka dhanka ah Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Cismaan Jawaari ayaa shaaciyay in aysan jirin ka tanaasulid ku aadan mooshinkii ay wadeen.

4/2/2018 12:57 AM EST
Isniin, Apriil 2, 2018 (HOL)-Waxaa magaalada Columbus ee gobolka Ohio lagu soo gabagabeeyay ciyaarihii xagaaga oo Khamiistii hore uga bilowday dhalinyaro Soomaaliyeed oo ka kala socotay qaar ka mid ah gobolada dalka Mareykanka Iyo Canada

4/2/2018 12:11 AM EST
Isniin, April, 02, 2018 (HOL)–Saraakiisha ciidamada difaaca Uganda ayaa sheegay in Ciidamadooda ay dileen 22 ka tirsan dagaalyahannada ururka Al-Shabaab, kadib dagaal shalay barkhadii ka dhacay degaanka Buula Mareer ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

4/2/2018 12:05 AM EST
Isniin, April, 02, 2018 (HOL)-Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxay duqeyn culus oo lagu beegsaday saraakiil ka tirsan Ururka Al-shabaab oo ku sugnaa deegaan hoostaga degmada Ceel-Buur ee gobolka Galguduud.