4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 19, 2018
Ciidamada Somaliland oo Xabsiga u taxaabay Boqor Cismaan BUUR-MADOOW

 

Khamiis, April, 19, 2018 (HOL) – Ciidamada Booliiska Somaliland ayaa goor dhaw oo maanta ah xabsiga u taxaabay Boqor Cismaan Buur-Madoow oo deegaanka Carmo ee dowlad gobolleedka Puntland uga qeybgalay caleemo saarka mid ka mid ah Salaadiinta Soomaaliyeed.

Boqor Buur-madoow ayaa lagu eedeeyay in uu munaasabada caleemo saarka ka dhacay deegaanka Carmo ka jeediyay hadalo ka hor imanaya qaddiyada iyo jiritaanka Somaliland.

Feysal Xiis Cilmi oo ah afhayeenka ciidamada Booliiska Soomaaliland ayaa warbaahinta u xaqiijiyay xariga Boqor Buur-madoow.

‘’Waxaa loo xiray Boqor Buur-Madoow in jeedinta hadalo lid ku ah jirintaanka Somaliland iyo faafinta warar been ah oo aan sal iyo raad toona laheyn;’’ ayuu yiri afhayeenka ciidamada Booliiska.

Toddobaadkii hore ayay maxkamad ku taal magaalada Hargeysa waxa ay ku xukuntay saddex sano oo xarig ah Abwaanad Naciima Qorane kadib markii lagu eedeeyay inay fidineysay hadalo lid ku ah maamulka Somaliland.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]