4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 19, 2018
Shirkadda Star Cast oo daah furtay adeeg isgaarsiinneed oo casri ah


Khamiis, April, 19, 2018 (HOL) – Liibaan Cabdi Cigaal oo ah madaxa shirkadda Star Cast oo Hiiraan Online u sheegay in mashuurcan Isgaarsiinneed ay maanta daah fureen uu noqonayo mid  ku cusub guud ahaan marka la eego qaarada Africa, gaar ahaan dalka Soomaaliya oo markii ugu horeysay ay tahay in la keeno Isgaarsiinta TriplePlay.

‘’TriplePlay micnaheedu wuxuu noqonayaa in qofka uu halka Fiilo oo kaliya ku isticmaali karo saddex Aalad oo kala duwan, sida TV-ga, VOIP-ga iyo waliba Computer-ka, halka taa badalkeeda uu qofku ka isticmaali lahaa ilaa saddex Fiilo oo kala duwan’’ ayuu yiri Liibaan Cabdi Cigaal.

Waxaa uu intaa ku daray in halkaa Cable ama Fiilo ee guriisa ku jirta oo kaliya u sahli karto in uu saddexdan Aladoodba ka fiirsado hal Barnaamij oo isku mid ah.

‘’Jannaadalada ku jira TV-ggaaga wuxuu Cable-kan ku sii sahli karaa in aad ka fiirsan karto dhamaan Aaladaha kale ee aad ku isticmaasho Cable-kan’’ ayuu yiri Liibaan Cabdi Cigaal.

Wuxuu sheegay in hergalinta adeegan cusub uu ka caawin doono Ardeyda, Ganacsatada iyo guud ahaanba bulshada Soomaaliyeed in ay helaan Isgaarsiin deg-deg ah oo aan culeys badan laheyn, gaar ahaa waxaa uu farta ku fiiqay in uu sahlayo qeybaha kala duwan ee Warbaahinta in ay si toos ah u soo tabin karaan munaasabadaha ay u baahan yihiin madaama uu yahay mid Speet-kiisu aad u wanaagsan yahay.

‘’Arintan hormar ayeey keeni kartaa waayo haddda labo dowladood oo qaarada Africa oo kaliya ayaa isticmaala adeegan TrplePlay, Soomaaliya waxaa ay noqoneysaa dalkiis saddexaad ee qaarada laga hergaliyo, sidaa daraadeed waad garan kartaa qiimaha uu bulshada ugu fadhiyo’’ ayuu yiri Liibaan Cabdi Cigaal.

Soomaaliya inkastoo marka la eego lagu tilmaamo dalalka sida weyn ugu hormarsan dhinaca Isgaarsiinta, haddana dhibta ugu weyn ee taagan ayaa lagu tilmaamaa in adeegyada la heli karo yihiin kuwo aad u kooban.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]