4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 19, 2018
Howlgalo ka dhan ah Al-shabaab oo ka soconaya qeybo ka mid ah gobolka Mudug

 

Khamiis, April, 19, 2018 (HOL) – Wararka ka imanaya gobolka Mudug ayaa sheegaya in ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed halkaa ka wadaan howlgalo ka dhanka ah Al-shabaab.

Ciidamada Xooga ayaa waxaa ay howgalada ka wadaan deegaanada Cammaaro, Bacaadweyn iyo deegaanno kale oo ka tirsan gobolka Mudug, kuwaasi oo la doonayo in guud ahaan Al-Shabaab laga saaro.

Saraakiisha ciidamada xoogga dalka ee ku sugan gobalka Mudug ayaa sheegay in howlgalada ay wadaan, islamarkaana maalmaha soo aadan Al-shabaab ay ka saari doonaan deegaanada ka tirsan gobalka Mudug oo qeybo ka mid ah oo ay maamulaan Al-shabaab.

Generaal Cabdulaahi Aadan Xuseen oo ah Taliyaha ciidamada xoogga dalka Qeybta 21-aad, oo la hadlay Warbaahinta dowlada ayaa sheegay in hadda howlgalada ay ka socda aagaga Cammaara, Bacaad weyn iyo deegaanada kale ee hoos yimaada,isagoona dhaca kale shaaca ka qaaday in xaaladda ay tahay mid degan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]