4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 19, 2018
Xildhibaan Shariif Sheekhunaa Maye oo isku soo taagay xilka guddoomiyaha Golaha Shacabka

 

Khamiis, April, 19, 2018 (HOL)– Iyadoo dhawaan lagu waddo in la soo doorto guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliyeed, ayaa waxaa isa soo taraya musharixiinta u taagan qabashada xilka bannaan ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Taliyihii hore ee ciidamada Booliiska Soomaaliyeed islamarkaana ah xildhibaan ka tirsan baarlamaanka federaalka Shariif Sheekhuna Maye ayaa ku dhawaaqay in uu yahay musharax u taagan qabashada xilka afhayeenka Golaha Shacabka.

Xildhibaanka oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in muddo 57 sano uu dalka iyo dadweynaha Soomaaliyeed u soo adeeganyay, isla markaana haddii uu ku guuleysto xilka Guddoomiyaha golaha shacabka uu ka mira dhalin doono waajibaadka Dastuuriga ee saaran Golaha Shacabka.

Waxaa uu ka codsaday Xildhibaanada Golaha shacabka inay codkooda siiyaan, haddii la doortana uu ilaalin doono Dastuurka dalka iyo shuruucda kale ee dalka u yaalla, isla markaana howl maalmeedka Guddoonka uusan hoos u dhici doonin.

Maalintii shalay ayaa sidoo kale waxaa ku dhawaaqay in musharaxnimadooda Labo Wasiir oo ka tirsan xukuumada Soomaaliya kuwaa oo kale ah Wasiirka difaaca iyo kan Tamarta.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]