Khamiis, April, 19, 2018 (HOL)
– Saraakiisha Hay’adaha ammaanka dalka Kenya
ayaa shaaciyay magacyada iyo sawirrada Saddex dhallinyaro ah oo looga shakiyay
inay u goosteen urura Al-Shabaab.
Ragga Kenya ay
baahisay magacyadooda iyo sawiradooda ayaa waxaa lagu kala magacaabaa Mohamed
Abdalla Asman oo loogu yeero Papa ama Raymond, Hamis Hemed oo loo yaqaano
Baloteli iyo Ali Ahmed Ali.
Madaxa
Isgaarsiinta ciidamada Booliska Kenya, Charles Wahong’o ayaa waxa uu sheegay
xubnahan in la waayay xilli hore oo Arbacadii ah, kadibna la ogeysiiyay laamaha
ammaanka.
Mohamed Abdalla oo ka mid ah Saddexdan tuhmane ayaa 4-tii
October, 2013-kii lagu xiray Magaalada Gaarisa, iyadoo la sii daayay 12-kii
July, 2017 markii uu dhammaystay muddadii lagu xukumay.
Weerarkii ugu dambeeyay ee ay Al-Shabaab ka geystaan gudaha
Kenya ayaa ka dhacay 16-kii February ee sanadkan Iskuul ku yaalla magaalada
Wajeer, halkaas oo ay ku dileen Afar Macallin iyo Haweeneey u dhaxday mid ka
mid ah Barayaasha.
Ciidanka Booliska Kenya ayaa howlgaladii ay xilligaasi ka
fuliyeen degaanka Merti, oo ka tirsan Gobolka Isiolo waxa ay ku soo qabten 36
Garnayl, 18 ka mid ah aaladaha qaraxyada laga sameeyo ee IED-ga loo yaqaano iyo
5 Qori oo ah nuuca AK-47 ah.
Al-Shabaab ayaa waxa ay kordhiyeen weerarada sida joogtada ah
uga gaystaan gudaha dalka Kenya, wixii ka dambeeyay markii Kenyan-ka ay soo
galeen gudaha Soomaaliya.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]