3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 19, 2018
Hay'adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha oo sheegay in ay jiraan Ajaanib danbiilayaal ah oo dalka sharci darro ku jooga

 

Khamiis, April, 19, 2018 (HOL) –Agaasimaha hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ee dowladda Soomaaliya Jen Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi) ayaa sheegay in ay jiraan ajaaniib dalka si sharci darro ku jooga.

Agaasimaha ayaa intaa ku darray in Ajaaniibta qaar ay ku jiraan kuwo dalalkooda dambiyo ka soo galay, oo gudaha dalka soo galay.

“Waxaa la socnaa in ay jiraan a ajaaniib dalka si sharci darro ku soo galay, oo badankood dambiyo ka soo galay dalalkooda”ayuu yiri Koofi.

Qaarkood ayuu sheegay in dalka ay Carruur ku dhaleen, sidaa daraadeed wadaan habab lagu diiwaan geliyo dadkaas, isla markaana dadka dambiyada soo galay ee adduunka laga raadinayo loo gacan geliyo hey’adaha ammaanka.

Wixii ka danbeeyay bur burkii dowladda dhexe waxaa dalka ku soo badanayay ajaaniib si sharci darro ku soo galay, waxaa ka mid ah ajaaniib ka yimid wadamo kala duwan oo ka barbar dagaalama Al-Shabaab.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
4/19/2018 3:37 PM EST
Khamiis, April, 19, 2018 (HOL)– Ciidamada Booliiska Somaliland ayaa goor dhaw oo maanta ah xabsiga u taxaabay Boqor Cismaan Buur-Madoow oo deegaanka Carmo ee dowlad gobolleedka Puntland uga qeybgalay caleemo saarka mid ka mid ah Salaadiinta Soomaaliyeed.

4/19/2018 12:26 PM EST
Khamiis, April, 19, 2018 (HOL) – Liibaan Cabdi Cigaal oo ah madaxa shirkadda Star Cast oo Hiiraan Online u sheegay in mashuurcan Isgaarsiinneed ay maanta daah fureen uu noqonayo mid ku cusub guud ahaan marka la eego qaarada Africa, gaar ahaan dalka Soomaaliya oo markii ugu horeysay ay tahay in la keeno Isgaarsiinta TriplePlay.

4/19/2018 11:43 AM EST
Khamiis, April, 19, 2018 (HOL)-Shirkii Caadiga ahaa ee Gollaha Wasiiradda oo uu shir-guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre, ayaa maanta looga hadlay Hubinta Tirakoobka Shaqaalaha Rayidka ah ee Dawladda, Xaaladda kala guur ee ciidamada AMISOM. Sidoo kalena waxaa lagu ansixiyay Tubta Arrimaha Bulashada iyo xeer Mamnuucya jarista dhirta iyo dhoofinta Dhuxusha, iyada oo warbxino kala duwan laga dhagaystay qaar ka mid ah Wasiiradda.

4/19/2018 6:56 AM EST
Khamiis, April, 19, 2018 (HOL)–Xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI ayaa madaxweyne Muuse Biixi ugu baaqay inuu is casilo ama xil ka xayuubin lagu saneeyo kaddib markii heshiishkii Dekadda Berbera Imaaaradku sheegay in ay la saxiideen dowladdii hore ee Soomaaliya.

4/19/2018 5:13 AM EST
Khamiis, April, 19, 2018 (HOL)–Wararka ka imanaya gobolka Mudug ayaa sheegaya in ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed halkaa ka wadaan howlgalo ka dhanka ah Al-shabaab.

4/19/2018 5:11 AM EST
Khamiis, April, 19, 2018 (HOL)– Iyadoo dhawaan lagu waddo in la soo doorto guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliyeed,ayaa waxaa isa soo taraya musharixiinta u taagan qabashada xilka bannaan ee Baarlamaanka Soomaaliya.

4/19/2018 4:26 AM EST
Khamiis, April, 19, 2018 (HOL)-Saraakiisha Hay’adaha ammaanka dalka Kenya ayaa shaaciyay magacyada iyo sawirrada Saddex Dhallinyaro ah oo looga shakiyay inay u goosteen urura Al-Shabaab.

4/19/2018 3:15 AM EST
Khamiis,, April, 19 , 2018 (HOL)–Macalimiinta wax ka dhiga dugsiyada waxbarashada ee ku yaala gobolka Waqooyi Bari Kenya ee ka soo jeeda deegaannada kale ee dalkaasi ayaa dalabnaya in laga badalo gobolka ay hadda wax ka dhigaan ee Waqooyi Bari.

4/19/2018 1:56 AM EST
Khamiis,, April, 19 , 2018 (HOL) – Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa ku dhowaaqay doorasho Madaxweyne iyo mid baarlamaan oo waqtigeedii laga soo hormariyay in ay dhacdo 24ka June ee sanadkan iyadoo hore loo qorsheeyay in ay dhacdo bisha November 2019.

4/19/2018 1:44 AM EST
Khamiis,, April, 19 , 2018 (HOL)–Madaxweynaha Maraykanka ayaa sheegay in uu ka baaqan doono shirka la qorsheeyay ee dhexmari doono isaga iyo hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi haddii uusan u arag in ay natiijo kasoo baxayso.

4/19/2018 1:18 AM EST
Khamiis, April, 19, 2018 (HOL)–Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa bilaabey howlgal lagu xaqiijinayo Amniga waddada isku xirtay magaalooyinka Balcad iyo Jowhar oo waayadii ugu danbeeyay ay ku soo badanayeen weeraro halkaa ay ka geysanayaan Al-shabaab.

4/19/2018 12:38 AM EST
Khamiis,, April, 19 , 2018 (HOL)-Hay’adda u dooda xuquuqda aadanaha ee Human Rights Watch ayaa waxaa ay soo saartay qoraal ay kaga hadashay tacadiga Qaxootiga Magangelyo-doonka ah loogu geysto dalka Yemen.