4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 19, 2018
Cabsi dhinaca Amaanka ah oo ka taagan gobolka Waqooyi Bari Kenya

 

Khamiis,, April, 19 , 2018 (HOL) – Macalimiinta wax ka dhiga dugsiyada waxbarashada ee ku yaala gobolka Waqooyi Bari Kenya ee ka soo jeeda deegaannada kale ee dalkaasi ayaa dalabnaya in laga badalo gobolka ay hadda wax ka dhigaan ee Waqooyi Bari.

Arrintan ayaa timid kaddib la dilay Saddex macallin oo bishii Febraayo lagu dhax toogtay dugsi ku yaala degmada Wajeer, waxaana dilkaasi lagu eedeeyay xarakada Al-Shabaab.

Macallimiinta doonaya in gobolka laga baddalo ayaa ku doodaya in Saddexdaasi macallin loo dilay sababo la xiriira diintooda balse arrintan ayaa Saddexdii sano ee la soo dhaafay ka taagnayd gobolka.

Sidoo kale macalimiinta aan ka soo jeedin Gobolka Waqooyi Bari dalka Kenya ayaa waxa ay sheegeen in walwal badan ay ka qabaan in la wax-yeeleeyo, taasi oo kaga imaaneysa Al-shabaab.

Mas’uuliyiinta dhinaca nabad-galyada u qaabilsan gbolka Waqooyi Bari Kenya ayaa sheegay in dhawr jeer ay ku qanciyeen macalimiinta in ay ka shaqeeyaan Gobolka, amnigoodana laga sugayo, balse macalimiinta ayaa ku qanci waayay hadalka laamaha ammaanka..

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]