4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 19, 2018
Xaalad adag oo Yemen ku heysata Qaxooti ay Soomaali ka mid yihiin

 

Khamiis,, April, 19 , 2018 (HOL) - Hay’adda u dooda xuquuqda aadanaha ee Human Rights Watch ayaa waxaa ay soo saartay qoraal ay kaga hadashay tacadiga Qaxootiga Magangelyo-doonka ah loogu geysto dalka Yemen.

Human Rights Watch waxaa si gaar ah u xustay in ciiddanka Yemen oo ay Dowladda Imaaraadka ay tababartay xadgudub baahsan oo ay u  geystaan Qaxootiga Soomalida iyo kuwa Afrikaanka ah ee ku nool magaalladda Cadan ee dalkaasi.

Human Rights Watch (HRW) waxaa ay kaloo sheegtay inay dowladda Yemen diidan tahay in ay muhiimad siiyaan Qaxootiga magangelyo-doonka ah, isla markaana ay si khaasab ah uga masaafuriyaan dekedda Cadaan.

Xog ay kasoo aruurisay Qaar ka mid ah Qaxootiga Yeman jooga waxay u sheegeen Hay’adda Human Rights Watch inay Ilaaladda Yemeniyiinta jir-dil iyo Kufsi u geystaan Qaxootiga, iyagoona ugu hanjabaya inay dili doonaan ama ka masaafurin doonaan dalka Yemen.

Agaasimaha Xuquuqda Qaxootiga ee Human Rights Watch, Bill Frelick ayaa sheegay in Ilaaladda Xarunta Qaxootiga lagu hayo ee magaalladda Cadan in ay jir-dilaan ragga, kuna xad-gudbaan Haweenka iyo Wiilasha, waa sida uu haadalka u dhigay.

Waxaa uu intaasi ku daray in boqolaal Qaxooti la masaafuriyey, iyagoo la saaray doonyo aad loo buux dhaafiyey.

Warbixinta Human Right Watch waxaa kaloo loo sheegay in xarunta lagu fara-xumeeyo Qaxootiga oo ku taallo deegaanadda ay dowladda Yemen ka taliso, hayeeshe ciiddamo ay tababartay Imaaraadka Carabta gacanta ku hayaan Xaruntaasi.

Warbixinta waxaa lagu muujiyey in ay dowladda Yemen iyo Ciiddanka Imaaraadka ka gaabsadeen in ay ka hadlaan Tacadiyadda Qaxootigaas loogu geysto xarunta Qaxootiga lagu hayo ee magaalladda Cadan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]