4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 18, 2018
Sierra Leone Soomaaliya u soo dirtay ciidamo Booliis ah oo ka mid noqonaya howlgalka AMISOM

Arbaco, April, 18, 2018 (HOL) - Ciidamo Booliis ah oo ka socda dalka Sierra Leone ayaa lagu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha magaalada, kuwaa markii danbe u sii gudbay magaalada Kismaayo.

Ciidamada oo tiradoodu dhan tahay 15 Askari waxaa ay qeyb ka noqon doonaan tayaynta iyo tababaridda ciidamada Booliiska ee ka howlgala Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya,iyagoo haatan si gaar ah ugu amba baxay Jubbaland.

Magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ee Jubbaland ayaa horey waxaa ugu sugnaa ilaa 15 saraakiil oo boolis ah,kuwaasi oo ka socda wadanka Sierra Leone,iyadoo imaatinka 145 tan kalena lagu xoojinayo saraakiishaasi,waxaana tirada guud ay noqonaysaa ilaa 160 qof oo isugu jira saraakiil iyo askar boolis ah.

Ku-simaha taliyaha ciidanka Booliska AMISOM Christine Alalo, ayaa sheegay in ay sii xoojin doonaan awood siinta iyo tayaynta ciidamo boolis ah oo ka tirsan Jubbaland,kuwaasi oo horey booliska AMISOM ay u tababareen.

“Hawlgalkooda ayaa noqon doona dhiiri galinta ciidamada Booliiska Jubbaland. Sannadkii 2016-ka, waxaan tababar u siinnay 600 askari oo bilayska ah oo ka tirsan Jubbaland, Sierra Leone FPU waxay gacan ka geysan doonaan sidii loo dhisi lahaa awoodna loogu siin lahaa howlahooda sugida Amniga, “ayeey tiri Christine Alalo.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]