4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 18, 2018
Agaasimaha CIA Mareykanka oo la kulmay hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi

 

Arbaco, April, 18, 2018 (HOL) – Agaasimihii hore ee CIA Mike Pompeo ayaa wada hadalo qarsoodi ah la yeeshay hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi kaddib booqasho uu dalkaasi ku tagay horraantii sanadkan isaga oo kulan fool ka fool ah la qaatay Kim Jong Un.

Waxaa la sheegay in booqashadan tahay mid qeyb ka ah dadaallada socda ee waddada loogu sii xaaro kulan wayne lagu wado in uu dhexmaro hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyiiyo iyo madaxwayne Trump.

Warkan ayaa soo baxay mar la qabanayay wadahadalo ku saabsan Kuuriyada Waqooy oo dhexmaray Mr Trump iyo rai'sul wasaaraha Japan Shinzo Abe.

Warbahinta dalka Mareykanka aya sheegtay in Mike Pompeo uu boqday Kuuriyada Waqooyi islamarkana uu la kulmay xilligii fasaxa Easter, hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi wax yar uun ka dib markii loo soo xulay in uu noqdo xoghayaha arrimaha dibadda.

Toddobaad ka dib saraakiisha aqalka cad ayaa waxay sheegeen in ay si toos ah u xaqiijiyeen in hogaamiyaha kuuriyada Waqooyi uu diyaar u yahay in wadaxajood uu ka galo suurtagalnimada in uu ka talabaxo hubkiisa Niyukleerka.

Mr Trump ayaa u muuqday in mar uu wariyayaasha kula hadlayay Mar-a-Lago oo uu sheegay in xiriirkii ugu heerka sareeyay ay la sameeyeen Kuuriyada Waqooyi uu ula jeeday kulankan.

Trump ayaa sheegay in wadahadalo heerkoodu sareeyo oo toos ah ay la yeesheen Kuuriyada Waqooyi ka hor kulan waynaha la qorshaynayo in ay la yeeshaan, Kim Jong-un.

Waxaa kuu ka hadlayay xilligaasi gobolka Florida waxa uuna kulan la lahaa ra'sul wasaaraha Japan, Shinzo Abe.

Waxaa uu noqon doonaa kulankii ugu heerka sareeyay tan iyo sanaddii 2000, markaasi oo xoghayihii arrimaha dibadda Madeline Albright ay la kulantay Kim Jong Un aabihis, Kim Jong Il.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]