4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 18, 2018
Askar lagu dilay gobolka Shabeelaha Hoose

 

Arbaco, April, 18, 2018 (HOL) – Koox hubeysan ayaa xalay waxaa  ay deegaanka Carbiska oo ku dhaw degmada Afgooye ku dileen laba Askari oo ka tiran ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya.

Wararku waxaa ay sheegayaan in ka hor dilka raggan hubeysan ridee rasaas badan oo ay ku kala eryeen dadka shacabka ah ee halkaasi ku sugnaa, maadaama goobta ay aheyd maqaaxi lagu Shaaho, kadibna waxa ay si toos ah u beegsadeen labada nin.

Toogashada kaddib ayeey goobt isaga tageen, iyaga oo markii ay goobta isaga baxsanayeen rasaas ku furay Haweeney goobta ku dhawayd inkastoo aanay rasaastaasi wax-yeeleyn.

Labada Askari ee la dilay ayaa xilligaasi aanan wadan wax Hub ah, balse waxa ay dhexda ka fadhiyeen dad shacab ah oo ku Shaaheynayay Maqaaxi yar oo ku taalla degaanka Carbiska.

Ciidamo hubeysan oo ka tirsan Dowladda Federaalka ayaa tagay goobta waxayna qaadeen meydadka raggii la dilay, si baaritaano loogu sameeyo, intaasi kadibna loo aaso.

Saraakiisha Hay’adaha ammaanka ayaa si hoose inoogu sheegay labada Askari ee la dilay in lagu kala magacaabi jiray Maxamed Cali Baashi iyo Cabdi Dhagool oo si weyn looga garanayo deegaanka gaar ahaan Maxamed Cali Baashi wuxuu ka tiranaa ciidamada Canshuurta.

Wararkii ugu dambeeyay ee saakay naga soo gaaraya degaanka Carbiska ayaa waxa ay sheegayaan in Ciidamada ay wadaan baaritaano amni xaqiijin ah, oo lagu dabagalayo Dableydii dilka geystay oo degaanka ay ku sheegeen in ay ka tirsan yihiin ururka Al-shabaab.

Inta badan Magaalada Muqdisho iyo hareeraheeda waxaa ka dhaca dilal ay geystaan Rag Bastoolado ku hubeysan, waxaana inta badan dilalka nuucaan oo kale ah fuliyay xoogag ka tirsan Shabaab.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]