4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 17, 2018
Somaliland: Dooxa Aw Barkhadle oo sababay geeridda hal qof kaddib markii Daadad ku soo rogmadeen

 

Talaado, April, 17, 2018 (HOL)– Alla ha u naxariistee Maxamed Cabdilaahi oo watay gaari nooca loo yaqaan Candho Maydle ayaa Dooxa Aw Barkhadle ee u dhexeeya Hargeysa iyo Berbera ku qaaday kaddib markii daadad waaweyn ku soo rogmadeen.

Gaarigan ayaa gallay camuud badan oo biyuhu ku xidheen wadadda, kaddibna waxaa ku soo rogmaday biyo badan, taas oo keentay in wadaddii ka riixo roobku, kaasi oo sababtay geeridda marxuum Maxamed Cabdilaahi (Ina Caga-saydh), halka wiil kale oo la socdayna laga soo badbaadiyey.

Waxaan jidka ku soo maray iyadoo wakhtigaasi lagu mashquulsanaa in gaadhiga laga saaro, iyadoo gaariga camuudii daadku waday dusha ka saareen.

Dooxyadda Somaliland ayaa inta badan wakhtiyaddan Roobku sababaa dhimashadda dad faro badan iyo khasaare dhaqaale, waxaana dadka safarka ku jira halis ku jiraan in wakhtiyada uu roobku da’ayo ay dooxyadda ka gudbaan maadaama oo mar kasta la filan karo in uu Roobku  da’o. 

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.