Isniin., April, 16, 2018 (HOL)–Wasiirka Wasaaradda arrimahad dibada Soomaaliya Axmed Ciise Cawad oo ku sugan magaalada Dammmaam ee dalka Sacuudiga halkaa oo lagu soo gabagabeeyay shirkii Ururka Jaamacada Carabta ayaa sheegay in wada hadalo toos ah ay u bilaawdeen Soomaaliya iyo Imaaaraadka Carabta.
Wasiirka oo soo hadal qaaday
qodobadii ugu muhiimsanaa khudbadii madaxweyne Farmaajo uu ka jeediyay shirka
Jaamacada Carabta ayaa sheegay in madaxweynuhu sharaxaad ka bixiyay hormarada
kala duwan oo ay ku talaabsatay Soomaaliya.
‘’Madaxweynuhu wuxuu
khudbadiisa uga hadlay hormarka ay Soomaaliya ku talaabsatay, wuxuu kaloo
weydiistay caalamka Carabta in go’aamadii ka soo baxay shirarkii hore ee
Jaamacada Carabta iyo kan hadda soo dhamaaday ee ku aadan taageerada Soomaaliya
in la fuliyo, madaxweynuhu wuxuu kaloo sheegay sida ay lagama maarmaan u tahay
midnimada caalamka Carabta islamarkaana la ilaaliyo walaalnimada iyo sharafta’’
Dhinaca kale Wasiirka ayaa
beeniyay ay jirtay dacwad ka dhan ah Soomaaliya oo Imaaraadku u gudbiyeen Jaamacada Carabta gaar ahaan
dowladda Sacuudiga oo shirka marti-galisay.
Mar uu ka jawaabay su’aal
aheyd madaama uu xumaaday xiriirka labada dowladdood Soomaaliya iyo Imaaaraadka
in ay jiraan dowladdo isku dayaya in ay arintan dhaxdhaxaadin ka galaan, ayuu
sheegay in ay bilaawdeen wadahadalo toos ah oo u dhaxeeya labada dowladood
laakiin aysan jirin cid dhaxdhaxaadineysa.
‘’Xiligan wax dhaxdhaxaadin ah
oo socta ma jirto, laakiin waxaa socda wadahadalo toos ah oo u bilaawday
labada dowladood oo u dhaxeeya madaxda sare ee dowladda Soomaaliya iyo
Imaaaraadka’’ ayuu yiri Wasiir Cawad.
Wada hadallada ayuu sheegay in
hadda meel wanaagsan marayaan inkastoo sida uu hadalka u dhigay aysan jirin
kulamo loo balamay oo waqti leysla qorsheeyay dhacaya.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]