4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 15, 2018
Cali Jeyte oo aan ka qeybgalin munaasabadii xil wareejinta guddoomiyaha cusub ee gobolka Hiiraan

 

Axad, April, 15, 2018 (HOL) - Guddoomiyihii xilka laga qaaday ee gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa ka biyo diiday in uu xilka wareejo kaddib munaasabad maanta ka dhacday magaalada Beledweyne oo uu xilka kula wareegayay guddoomiyaha cusub ee la magacaabay Cabdullaahi Axmed Maalin.

Waxaan soo xadirin munaasabada xil wareejinta Cali Jeyte Cismaan sababo aan la ogeyn , laakiin waxaa muuqanaya khilaaf xoog leh oo ka dhashay xil wareejintiisa, taasoo keentay maalintii shalay la baajiyo munaasabada uu xilka kula wareegi lahaa guddoomiyaha cusub.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Maamulka Hirshabeelle Maxamed Cali Caadle oo ka qeybgalay ayaa faray Hay’adaha amaanka sida Booliska,NISA iyo ciidamada Xoogga dalka Gobolka Hiiraan in ay hadda wixii ka danbeeya ay ka amar qaataan Guddoomiyaha cusub kuna shaqeeyaan amarkiisa.

Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa wali sugan magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan kamana uusan soo muuqan xafladii xil wareejinta guddoomiyaha cusub ee gobolka Hiiraan oo ay ka qeybgalleen dhamaan saraakiisha ciidamada iyo wasiirro ka tirsan maamulkiisa.

Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Hiiraan Cabdullaahi Axmed Maalin Sufurow oo ka hadlay Munaasabada ayaa sheegay in muhiimada koowaad uu siin doono dib u heshiisiinta,dhageysiga iyo horumarinta deegaanka.

“ Waxaan idin balan qaadeynaa gaar ahaan haddaan koox u helno iyo haddii kaleba reer Hiiraan waxay u baahan yihiin dib u heshiisiin dhab ah mid xuduudaha mid deegaanada,mid dhaqanka iyo deriseynta ah intaba,waxaan balan qaadayaa inaan iyadaasi shaqada ka bilaabo,” ayuu yiri Guddoomiyaha.

Wali war ah lagama hayo Cali Jeyte oo labo mar guddoomiye ka soo noqday gobolka tan iyo markii la dhisay maamulka gobolleedka Hirshabeelle.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]